Awdalpress(Muqdisho) 24 July 13–Labo qof rayid ah ayaa ku dhimatay, toban kalana way ku dhaawacmeen kaddib markii maanta uu qaraxay gaari lagu soo xiray walxaha qarax oo uu lahaa Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Madeer.
Gaariga ayaa qarxay xilli uu xildhibaanku ku sugnaa goob ganacsi oo ku taalla waddada Via Eejito ee xaafadda Xamarweyne.
Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdullahi Ibraahim Sahal (Gardhuub) oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qarax ay wexyeello ka soo gaartay dad rayid ah oo goobta ku sugnaa, isagoo ku eedeeyay maleeshiyada Alshabaab.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanku ay gacanta ku soo dhigi doonaan cidkii ka dambaysay qaraxa, iyadoo goobta ay soo gaareen ciidanka dowladda oo baaritaanno ka sameeyay goobta uu qaraxu ka dhacay.
Xildhabaan Sheekh Aadan Maxamed Madeer oo ah milkiilaha gaariga la sheegay in uu qaraxay ayaa bad-qaba.
RBK




