Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Gudoomiyaha Kulmiye oo Guddi Beeshiisa ah Ergo Ugu Diray Murashixiinta Cabdicasiis Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis

$
0
0

 

 

Muuse14-80x106

Hargeysa (Awdalpress) Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye islamarkaana ah musharaxa madaxwaynaha loogu cumaaday xafladii afduubnayd ee golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ku qabsadeen 10-kii Bishan Hotel Maansoor Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ergo beeshiisa ah u diray musharaxiinta madaxwaynaha xisbiga kulmiye Cabdicasiis maxamed samaale iyo maxamed biixi yoonis oo ay isku jufo yihiin
Sida ay Awdalpress ka heshay ilowareedyo ka ag dhaw gudoomiyaha kulmiye kuwaas oo intaas ku daray in Muuse Biixi lahaa fikirka qorshahan islamarkaana mar uu todobaadki hore hargeysa ku casuumay odayaal iyo ganacsato beeshiisa ah uu ka dalbaday in labaddan musharax lagu qanciyo inay u sameeyaan tanaasul islamarkaana aanay sii xoojin khilaafka xisbiga maadaama oo ay beeshu isku dan tahay islamarkaana ay ku guulaysatay inay noqoto musharaxa madaxwaynaha kulmiye
Muuse biixi waxa uu sheegay inaanay isaga iyo labadda musharax ee kale waxba kala ahayn balse ay isku danyihiin maadaama oo ay isku beel yihiina loo baahanyahay in arinka loo dirro guddidan beesha si ay ugu qanciso labadda musharax inay danta beesha eegaan islamarkaana ay la shaqeeyaan musharaxa madaxwaynaha xisbiga muuse biixi cabdi

Muuse14

dhanka kale waxa illo wareedyadda Awdalpress heshay intaas ku darayaan in durba guddidani bilawday hawshooda islamarkaana ay kulamo gooni gooni ah la kala yeesheen labaddan musharax ee Cabdicasii Samaale iyo Maxamed Biixi yoonis iyadoo ilo wareedyadda aanu helaynaa aanay ilaa hadda xaqiijin go’aanka labaddan musharax ka qaateen dalabka guddidu ula tagtay marka laga yimaado kulamo dambe oo loo balamay
Si kastaba ha ahaatee Muuse Biixi ayaa wali u muuqda hogaamiye ku mashquulsan sidii khilaafka xisbiga ugu soo dhamayn lahaa qaab beeleed inkastoo siyaasiyiinta isbahaysigu ay iskugu jiraan beelaha kala gadisan ee Somaliland lama filan karo guul Muuse Biixi ka soo hooyo qorshahan xataa hadii uu ku guulaysto taageero uu ka helo musharaxiinta beeshiisa
Isku soo wada duuboo Muuse Biixi oo xilligan u eg mid garawsaday arrimo uu shirwaynihii ka hor indhaha ka laliyay wax ka qabashooda, balse wakhti xaadirkan u eg kuwo aan wax laga qaban karin maadaama oo Muuse iyo madaxtooyaddu aanay hore u eegin waddo kasta oo ay hadda garawshiyo kaga heli lahaayeen garabka aqlabiyadda ee isbahaysiga Kulmiye

 

The post Gudoomiyaha Kulmiye oo Guddi Beeshiisa ah Ergo Ugu Diray Murashixiinta Cabdicasiis Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles