Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka oo cadeeyay in hawada Soomaaliya aan laga maamuli doonin meel ka baxsan Muqdisho

$
0
0

newsAwdalpress(Muqdisho) 24 July 13–Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday akhrinta koowaad ee hindise-sharciyadeedka duulista rayidka ah iyo saadaasha hawada ee Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka ee xukuumadda Soomaalia Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa baarlamaanka ka hor akhriyay hindise-sharciyeedka.

Wuxuu sheegay in 31-ka December ee sanadkan ay wasaarraddiisu la wareegi doonto hawada Soomaaliya, horraanta sanadkan cusub ee 2014-kana hawada dalka laga maamuli doono magaalada Muqdisho.

Wasiirka wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in hawada Soomaaliya laga maamuli doono meel ka baxsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa wasiirka wax ka waydiiyay duulista rayidka iyo saadaasha hawada.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images