Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Xasan: Cawke baal dahab ah ayuu ka galay taariikhda ummadda Soomaaliyeed

$
0
0

Xasan-Madaxweyne1-300x195Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray shacabka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday weriye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa howlwadeennada kaalinta weyn ka soo qaatey saxaafadda Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Marxuum Cawke waxaa uu ka baxay ummadda Soomaaliyeed oo dhan, cid walbana way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtey intii uu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabiyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan Allah ka siiyo,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Marxuum Axmed Xasan Cawke waxaa uu door weyn ka soo qaatey, shaqadiisana ay si weyn uga dhex muuqatey Wasaaradda Warfaafinta, Madaxtooyada Soomaaliya, idaacadaha caalamiga iyo kuwa maxalliga intaba.

Marxuumka ayaa xaley saq dhexe ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee maamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia.

The post Madaxweyne Xasan: Cawke baal dahab ah ayuu ka galay taariikhda ummadda Soomaaliyeed appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles