Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Al-Shabaab oo dishay sarkaal taageeray Daacish

$
0
0

Shabaab-with-AK-471-300x168Kooxda Al-Shabaab ee ku sugan koonfurta Soomaaliya ayaa deegaanka Guduudey ee gobolka Jubbada Dhexe ku dishay sarkaal ka tirsanaa garabka Al-Shabaab ee taageeray kooxda Daacish ee ka dagaallanta dalalka Syria iyo Iraq.

Weerarka gaadmada ah waxaa lagu dilay sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Xuseen Cabdi Geeddi iyo saddex ka mid ah taageereyaashiisa.

Geeddi ayaa la sheegay inuu horey uga mid ahaa horjoogeyaasha Al-Shabaab isagoo mar noqday guddoomiye ku xigeenkii Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Dhexe. Wuxuu sidoo kale mar kooxda uga soo shaqeeyay magaalada Kismaayo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wadda beegsiga xubnaha ka tirsan ayada ee u ololeynaya taageerada kooxda Daacish.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa horraantii bishan sheegay inay dagaal kala hor tagayaan cid kasta oo uu sheegay inay waxyeelleyneyso ‘midnimada Muslimiinta’.

The post Al-Shabaab oo dishay sarkaal taageeray Daacish appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles