Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ergay cusub u soo magacaabay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, kaasoo bedelaya ergaygii hore Nicholas Kay.
Ergayga cusub oo lagu magacaabo Michael Keating ayaa u dhashay dalka Ingiriiska wuxuuna qabanayaa xilka wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxa xafiiska UNSOM.
Wakiilkii hore Nicholas Kay ayaa dhamaadka sanadka ay ugu egtahay xilka uu hayay.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyay Nicholas Kay dadaalkii uu sameeyay ee ku saleysnaa geesinimada iyo hogaanka fiican, ee labadii sano ee uu xilka hayay oo ahayd waqti adag oo isbedel siyaasadeed uu ka socday Soomaaliya.
Ergay cusub ee loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay in uu waayo araganimo u leeyahay nabadeynta iyo arrimaha siyaasada, wuxuuna ka soo shaqeeyay dalalka Bariga dhexe, Afrika iyo dalka Afghanistaan.
The post Ergay cusub oo loo magacaabay Soomaaliya appeared first on Awdalpress.com.