Awdalpress(Borama) 25 July 13–Maamulka dowlada hoose ee magaalada Boorama ayaa banneynta jidad xirnaa iyo olole nadaafadeed ka billaabay xaafado ka tirsan magaalada.
Ololaha oo ay dowladda Hoose ee Boorama ka gacan siineyso shirkad maxalli ah oo ku caawineysa qalabka lagu banneeynayo jidadka, iyadoo uu ololaha hormuud ka yahay guddoomiyaha golaha deegaanka ee Boorama, waxaanay howl-wadeennada ku boorrinayaan dadka shacabka ah inay howlgalka ka qeyb qaataan.
Guddoomiyaha golaha deegaanka Boorama Suleymaan Xasan Cabdi ayaa sheegay inay u diyaariyeen meel ay dagaan dadka dukaamada yar-yar ku leh hareeraha waddooyinka.
RBK





