Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Golaha ammaanka oo waqtiga u kordhiyey kooxda la socodka cuno-qabateynta Soomaaliya iyo Eritrea

$
0
0

Awdalpress(Newyork) 25 July 13–Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waqti kordhin u sameeyay guddiga dabo-galka cuno-qabateynta saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea.

15-ka waddan ee xubnaha ka ah golaha  ayaa isku raacay in muddo 16 bilood ah loogu daro waqtiga ay sii shaqeynayaan si ay u soo gudbiyaan xogta macluumaad badan oo la xiriira howsha uu guddigu hayo.

Qaraarka uu golaha ammaanku ku meel mariyay muddo kordhinta ayaa mar kale lagu xusay cuno-qabateyta hubka, mamnuucista dhuxusha, gargaarka bani’aadannimada,maamulka iyo la socodka hantida qaranka,batroolka Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Golaha ammaanka wuxuu walaac ballaaran ka muujiyey hub sharci darro ah oo fara badan oo ku qulqulayo Soomaaliya iyo Eritrea.

Qaraarkan ayaa waxaa kaloo lagu tilmaamay in bisha October ee sannadkan golaha la soo horkeeni doono warbixin ku saabsan qiimeynta iyo dib u eegista howlaha ay AMISOM dalka gudihiisa ka heysta, taasoo ay si wadajir ah u wadaan Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Waqtiga kordhinta Kooxda la socodka cuno-qabateynta wuxuu ku egyahay ilaa bisha November ee sannadka dambe.

Guddiga ayaa dhawaan golaha ammaanka u gudbiyey warbixin sannadkiiba mar uu soo saaro oo looga hadlo xaaladda Soomaaliya iyo Eritrea.

Warbixintiisii sannadkan ayaa inteeda badan lagu xusay musuq-maasuq baahsan oo Soomaaliya ka jira, amni xumada, jiritaanka shakhsiyaad qaswadayaal ah , falalka burcad badeedda iyo halista Al-Shabaab ay leedahay.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images