Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Beesha Reer Nuur May Taageerin Golaha Wadatashiga, Guddoomiye C/Raxmaan Ciro Haduu Ka Dhabeeyo Mucaaridnimadiisa Waa Nin Rageed, Xildhibaan Axmed barkhad

$
0
0

Awdalpress(Hargaysa) 25 July 13–Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo kamid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee laga soo doortay gobolka Awdal ayaa beeniyay in beesha Reer Nuur (Samaroon) ee degmada Dilla ee gobolka Awdal ay taageertay golah wadatashiga iyo toosinta qaranka, taas oo shalay lagu so daabacay wargeyska Waaheen bayaan sheegayey in beesha reer Nuur taageertay golaha wadatashiga. Xildhibaan Obsiiye oo xalay khadka Tilifoonka kula soo xidhiidhay Haatuf isagoo jooga magaalada Boorama, ayaa isagoo arrinkaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Anigu odhan mayo beeshu waa xisbiga Kulmiye dawlada way taageersan tahay, dhaliisha dawlada iyo golahan wadatashigu waa kala laba, golahanina sharciyada wuu ka soo horjeedaa” Xildhibaan Obsiiye oo aanu waydiinay sida uu u arko isbahaysiga labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Wadani dhexmaray iyo mawqifka gudoomiyaha golahooda Cabdiraxmaan Cirro waxa uu yidhi “Haduu gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu ka dhabeeyo mucaaridnimadiisa waa geesi baan leeyahay”

Haatuf


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images