Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xukuumadda Somaliland oo Maxkamadda Ciidanka Hargaysa saaraysa Dadka loo hayo Dilalkii Jidka Dilla iyo Seemaal

$
0
0

breaknewsAwdalpress(Hargaysa) 25 July 13–Xukuumadda ayaa saaka Maxkamadda Ciidanka horkeenaysa maxaabiis sadex sano u xidhnaa Dilalkii ka dhacay Jidka Kalabaydh iyo Dilla iyo kuwii Seemaal, kuwaas oo aan mudadaas wax Maxkamad ah aan la horgeyn.

Maxkamadaynta Maxaabiistan ayaa ku soo beegmaysa maalin kadib markii beesha Reer Nuur ee ay ka soo jeedaan Dadkii Jidkaas lagu laayay ay soo saareen baaq dhiilo ah oo ay Xukuumadda talada haysa dusha ka saarayaan falalkii dadkaas lagu dillay.

Beesha Reer Nuur ayaa baaqoodan ku taageertay Golaha Badbaadada Qaranka iyagoo sheegay in ay gaadhay wakhtigii xukuumadda talada haysa laga qaban lahaa cadaalad darada ay Dalka ku xukumayso sida ay sheegeen isla markaana ugu dul qaadanayeen dhibaatadii soo gaadhay Qaranimada.

Qayb ka mid ah baaqii qaar ka mid ah Beesha Reer Nuur soo saartay ee si gaar ah u khuseeynayay cabashada ay ka qabaan kooxdan la maxkamadaynayo ayaa ahaa “Nidaamka dawladnimo waxa bulshooyinku ay ugu hogaansamaan waa in cadaalad la helo oo qofkii dhibta gaysta talaabo laga qaado, waxa ay beeshu markay aragtay in aan dawladi jirin talaabooyinkaa iyadu qaaday oo ay sugayso amniga iyo cadaalada ay dadku kuwada noolaadan waxa ay goosatay in iyagu dhinacooda ka ilaaliyaan Jiritaanka Somaliland inta la helayo dawlad cadaalad marin karta bulshada inta dhibta gaysata, waxakale oo beesha ka qanacday markii ay dhawr jeer ka hadashay saami qaybsigeedii ay dawlada ku lahayd oo meesha ka baxay iyo qaabka shaqaalaynta dawladu ay ku xulato oo ah qaab ku salaysan Beelaysi iyo is xigtaysi oo dhalintii dalku ay tahriib ka qaaday cadaalad darada Dawlada .

Hadaba markii ay beeshu intaas oo khalad ah aragtay ayna ogaatay in dawlada maanta jirtaa lug ku lahayd dadkii lagu laayay iyaga oo hurda Seemaal iyo dilla maadaama oo ay ka caga jiiday cadaladii. dadkii dhagarta qabayna ay u diiday cadaalad, waxa ay soo dhawaynaysaa beeshu cid kasta oo qarankan curdinka ah ka badbaadin karta in uu burburo ama uu ku noqdo nidaamkii dagaalada sokeeye ee qabaa’ilka,maadama aanay jirin dawlad umada u dhaxayn kartaa cidkasta oo badbaadadiisa jecel oo ka dam qanaysa sida ay wax u socdaan iyo burburka ku soo fooleh hadii aan loo gurman oo aan la taageerin golaha toosinta taladii qaloocan tay.” Ayay ku yidhaahdeen qoraalkooda.

 

Maxkamad keenida kooxdan waxa xalay waaheen u xaqiijiyay qaar ka mid ah eheladii Dadka la laayay oo sheegay in ay Xukuumaddu ku wargelisay shalay galab.

Waaheen


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images