Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulankii ugu ballaarnaa oo ay yeesheen waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda beelaha Waqooyiga ee la baxay Somaliland. Kulankaan oo socday muddo laba maalin ah ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galay waxgarad iyo odayaal ka socda gobolada Waqooyi ee ay maamusho Dowladda Somaliland oo Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamuud Siilaanyo.
Ra’iisal Wasaare K/Xigeenka Dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo khudbad u jeedinayay gabagabada kulanka ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay halganka loo soo galay midnimada ummadda Soomaaliyeed.
WARARKA MAANTA UGU DOORKA ROON
“Maanta waxaa la idinka doonayaa in sidii dalka loogu halgamay qaranimadiisa aad ugu halgantaan” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte oo halkaasi ka magacaabay xubnihii ka soo jeeday gobolada Waqooyi ee doorka muuqda ku lahaa qaranimada iyo midnimada Soomaalida.
Kulankaan oo ka dhacay Hotelka City Palaza ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 200-ruux, kuwaasi oo iyagu matalayay qeybaha bulshada kala duwan ee ka soo jeeda Somaliland.
The post BEELAHA KA SOO JEEDA SOMALILAND OO WACDARO KA DHIGAY MUQDISHO (VEDIO) appeared first on Awdalpress.com.