Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Is bar bar dhig lagu sameeyey xaaladda Shaqaalaha reer Awdal ka soo jeedaa ay kaga nool yihiin gobollada Somaliland iyo Somalia

$
0
0

Article of the weekBaadhitaan iyo u kuur gal ay shabakadda Awdalpress ku samaysay dadka ka soo jeeda Awdal, Salal iyo Gabilay ee u shaqo taga gobollada Somaliya iyo Somaliland ayaa waxa ka soo baxday warbixin kooban oo dhinacyo badan ka iftiinaysa hab nololeedka dhaqaale, dhaqan iyo maskaxeed ee ay la kulmaan dadkaasi, warbixintiina sidan ayey u dhigan tahay:

 

 

 

 

Illaa iyo muddo laga joogo 15 sano waxa Jaamacadda Cammuud ay soo saaraysey dhallin si fiican wax u baratay, kuwaasi oo marka ay waxbarashada dhammaystaan aan gobolkooda ka helin ama ku haysan shaqo ay ka qabtaan. Sidaasi daraaddeedna ay ku kallifto in ay gobollada Somalia iyo Somaliland u shaqo tagaan. Gobollada ay aadka ugu shaqo tagaan waxa ka mid ah kuwa ay magaalo madaxda u yihiin Hargeysa, Burco, Laascaanood, Garawe, Boosaaso iyo Muqdisho. Shaqooyinka ay badi doontaanna waa kuwa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahi ay joornaallada ku soo nashriyaan. Sidoo kale waxa iyaguna xilliyadan danbe magaalooyinkaa u shaqo taga, ganacsato aad u badan iyo muruq maal.

 

 

Haddaba mar aan gobol gobol u waraysannay shaqaalaha iyo xoogsatada magaalooyinkaa dalka Somalia iyo Somalilandba ku baahsan, waxa noo soo baxay in farqi weyni u dhexeeyo hab nololeedkooda, dhaqaalahooda, xidhiidhka ay la leeyihiin shucuubta ama qabiilooyinka ay la nool yihiin iyo guud ahaanba muuqaallada ijtimaaciga ah ee ku xeeran.

 

 

Natiijada cilmi baadhistani waxa ay daaha ka qaadday in ay dadka reer Awdal ee u shaqo tagey gobolladaa Somalidu ku nooshahay ay aad ugu kala geddisan arrimo badan, sida, DHAQAALAHA SOO GALA, KAL GACALADA LOO QABO, SOO DHAWEYNTA, IXTIRAAMKA, CUNSURIYAD LA,AANTA IYO TIXGEINTA. Arrimaasi oo aan gobollada Somalidu degto kala siinnay kaalmo, sidan ayaana noo soo baxday:

 

 

1. Kaalinta koowaad waxa wada galay Puntland iyo gobollada Sool & Sanaag, oo ay boqollaal aqoon yahan ka shaqeeyaan hay’adaha caalamiga ah, dugsiyada, Jaamacadaha, caafimaadka. Halka boqollaal kalena ku shaqaystaan ganacsi iyo muruq maal. Dhammaanbana dadkii aan la xidhiidhnay waxa ay noo sheegeen in ay la joogaan dad sharaf iyo karaamo leh, isla markaana si gaar ah u jecel dadka reer Awdal.

 

 

2. Kaalinta labaad waxa galay gobollada Banaadir iyo inta ku xeeran, oo ay ku tilmaameen dhul dhibi ka jirto balse aan qabyaalad laga aqoon, reer Awdalla looga arko dadka ugu sharaf badan Somali. Waxa jooga boqollaal iyo boqollaal u shaqeeya, dawladda, hay’adaha, dugsiyada, caafimaadka iyo boqollaallo kale oo ganacsato iyo xoogsataba leh.

 

 

3. Kaalinta saddexaad waxa ay siiyeen Hargeysa, oo ay ku sheegeen meel qabyaaladdu biyo dhigtay, tartanka shaqada lagu helaa uu yahay qabiil iyo ayaad taqaan. Balse aan lagu helin maxaad taqaan. Sidaasi daraaddeedna ay aanay marnaba farxin, isuna arkaan dad soo galayti ah, halka ay Puntland iyo Muqdisho isu arkaan muwaaddiniin dhulkoodii joogta. Waxana ay eedda saareen siyaasiyiinta reer Somaliland oo ay ku eedeeyeen in ay iyagu kaw ka yihiin cidda qabyaadda hurinaysa. Ee dadka u kala qaybiyey beelo, marba marka ka danbaysana sii kala fogeynaya.

 

 

4. Kaalinta afraad waxa ay siiyeen Burco iyo Berbera, oo waa sida aan caddaymaha ku hellaye, aad uga hooseeya Hargeysa. Shakhsiga reer Awdal ee magaalooyinkaa shaqo u doontaana uu kala kulmo cunsuriyad, qabyaalad iyo nacayb gaar ah. Tusaale ahaan, dekedda Berbera xammaal kama noqon karaan, iska daa maamulka iyo wax la mid ahe. Badhasaabka gobolka Saaxil oo Awdal ka soo jeedaana waxa uu sitaa uun magaca ee awood iyo karaamo midna kuma laha. Burcana hadalkeedba daa.

 

 

Isku soo wada duuboo, waxa shacabka gobollada galbeedka Somaliland ay qabaan dhibaato shaqo la’aaneed oo ku haysta dhulkooda, Somalilandda kale ee ay ku dhex nool yihiin. Magaalada Borama oo ay ku nool yihiin dad aan ka yarayn, 700,0000. Waxa inta gobolka Awdal ka shaqaysaa ma dhamma 200 oo shaqaale ah, inta mushahar 400 oo doollar qaadataana ma gaadho 10. Halka Hargeysa, Burco iyo Berbera ay shaqaaluhu kor u dhaafeen kumannaan.

 

 

Gaba gabadii, waxa farriinta cilmi baadhistani noqonaysaa mid tilmaamaysa sida loogu baahan yahay isbeddel lagu sameeyo hoggaanka siyaasadeed ee gobolka ka soojeeda, si loo helo siyaasiyiin xal u hela dhibta shaqo la,aaneed ee keentay in dhallintii ay tahriibaan, in ay u shaqo doontaan gobollada aadka uga fog fog Awdal,sida koonfurta Somalia. Iyo in ay aakhirka u xuub siibtaan xag jir dhib keena.

Awdalpress

The post Is bar bar dhig lagu sameeyey xaaladda Shaqaalaha reer Awdal ka soo jeedaa ay kaga nool yihiin gobollada Somaliland iyo Somalia appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles