Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Toban Dariiqo Oo Lagu Kobciyo Jacaylka Labada Is Qaba

$
0
0

tree

Asalaamo Calaykum

Qofkii doonaa in uu kordhisto Raasamaalkiisa waxuu raadiyaa siduu ku kobcin lahaa oo ku badin lahaa, sidoo kale qofkii doona in uu kobciyo xidhiidhka iyo jacaylka (Gabadha ama Ninka) labada qof ee is qabaa waa in ay raadiyaan siduu Qof kastaa dhiniciisa uga kobcin lahaa jacaylkiisa iyo daacadnimadiisa, hadaba waxaan soo qaadanaynaa : 10 qodob oo kor u qaada xidhiidhka, jacaylka iyo is aaminka labada qof ee si xalaala is ku qabaa

1) In ay is dhaafsadaan hadiyadaha xataa hadii ay tahay mid iska caadi ah, sida hal ubax oo aad saarto barkinta Zawjad kaagu ku seexdo hurdada ka hor, waxay leedahay sixir soo jiidasho oo aad cajiib u ah ama Bidaaqad yar oo midab leh oo aad ku qorto kalmado aad u macaan oo una qurux badan taasina waxay leedahay raad reeb aad ugu wayn dhinaca qalbiga,
Ninku markuu siiyo hadiyad xaaskiisa, hadiyadaasi waxuu raad reebkeedu yahay:
• Waji furan oo faraxsan oo uu ka arko xaaskiisa iyo qosol macaan oo uu ka arko bishimaha xaaskiisa, kalimaad mahadnaq iyo amaan isugu jira oo ay kula soo hadaaqdo gabadhaasi ninkeeda,

• Faraxad iyo wanaag ka muuqda guriga oo dhan, gabadhuna waa in sidoo kale ay ninkeeda wax u hadiyadaysaa.

2) In ay waqti gaara qoondeeyaan oo ay isla fadhiistaan oo ay ku sheekaystaan, markasta marka ay kala maqan yihiina waa in ay telefoonka isku waraystaan oo mid waliba kan kale ihtimaam ku siinaayo la hadalka kan kale, waxaana inoogu filan ku dayasho siduu rasuulku s.c.w u dhegaysanaayey Caa’isha r.c markay ka sheekaynaysay xadiiskii dheeraa

3) Is eegida iyo aragtida xanbaarsan jacaylka iyo iska helida , dareenka u dhexeeya labada qof ee is qaba kuma ega waajibaadka kaliya oo la guto ama is dhaafsasho kalmado xidhiidh wanaagsani ah oo lays dhaafsado ee intaas waa ka badan tahay oo waxaa ka mida ishaarooyin aan hadal lahayn oo wajigu cabiro ama u dhicida sowtku muujinaayo ama ay tilmaamayso eegidu, waxaas oo dhami waxay dherjiyaan jacaylka iyo naftaba ee ma ogyihiin labada is qabaan fanka hadalka indhaha ? iyo fanka ka-hadalka nabrat sowtka iyo fanka hadalka malaamixa wajiga ? imisa ayaa ogsoon fanka hadalka indhuhu yihiin sixir ku dhaca qalbiga..

4) Marka uu Ninkaagu ka baxayo guriga oo aad si wanaagsan u sii macasalaamayso iyo marka uu soo noqdo oo aad si aad u diiran oo wanaagsan aad u soo dhowayso una marxabaysiso, sidoo kale markuu dhoofayo ama ka soo noqonaayo dhoof iyo markaad taleefon kula hadlay soba

5) Waxaa wanaagsan ninku in uu xaaskiisa amaano oo dareensiiyo in uu ilaa xad u jecel yahay, nin kale eegidiisa uu ka masayrayo jacaylka uu u qabo dartiis, sidoo kale in aanu waligiis gabadh kale la simin ama uuna ku hor amaanin..

6) Waxaa muhiim ah in lamaanaha is qabaa ay shaqooyinka wada qabtaan iyaga oo ku kor sheekaysanaya ama ku kor kaftamaaya sida hagaajinta guriga, cuntada oo uu la kariyo ama la joogo marka ay karinayso, ama hawlaha ilmaha oo ay wada sameeyaan ama in ay isla qoraan waxyaabaha guriga looga baahan yahay iyo wax kasta oo ah hawlaha fudud ee guriga, taas oo sabab u noqota wada kaftan fara ka cayaar yar iyo dhisid xiriirka iyo jacaylka lamaanahas.

7) Kalimada wanaagsan ama cabiraad kalmado diiran oo jilicsan oo muujinaya jacaylka gabadhu u qabto ninkeeda ama in ay tusto ama-ba ninku tuso in “Guurkiisa/ Guurkeedu” yahay nimco ilaahay siiyey .

8) In ay samaystaan waqti ay wada fadhistan oo sheekaystan si haadi/danaasho ah, kaas oo uu soo dhexgalayo kaftan iyo qosol iyo faro ka cayaar, kaas oo ka fog waxkasta oo keenaya dhibaato iyo sidoo kale qaylada caruurta ama is qabqab sigooda, taas oo ku fiican in gabadhu seexiso caruurta waqti hore kadib gurigii oo nadiif ah oo udgoon, ay la sheekaysato oo la faraka-cayaarto saygeeda, taasina waxay keentaa midho jacayl, isu soo dhowaad iyo jacayl lamaanaha dhex mara.

9) Miisaamid ogolaansho iyo diidid : wasiiladan waa mid muhiim ah taas oo ah in aadan waxkasta inta ilawdo qofkii kaliyi kuu muuqan, oo xataa cibaadadii ilaahay kugu lahaa adan ilaawin, oo shaqadaadu bas noqoto qofkaas, sidoo kale aanay noqon diidin oo aad qofkii kale ka tagtid isaga dhan oo aadan dhihin xaalkaygu keliya waa cibaado iyo haawlaha kale, isa siintaas xad dhaafka ah oo aad ku xad tagto jacaylkaas waa la nahiyey, waxuuna arinku u baahan yahay in ogolaanshahaas iyo diididaasiba caqli badani , fakar dheer iyo xeelad, taas oo aad ku dadaalayso qiyaasta ogolaanshaha iyo diidida, ogowna labadaasba xadgudubkoodu waxuu keenaa in uu jacaykii labada qof ka dhexeeyey dilo oo uu baabiyo, taasna waxay keeni kartaa mashaakil badan oo dhex mara labada is qaba.

10) Waa in labada qof ee is qabaa haday dhibaato ku timaado ay isla xaliyaan oo dhibkaas ku dhacay ay ka qaadan xoog iyo jacayl,dabaylahaasina aanay ku keenin reerkooda gil gilasho sida haday gabadhu xanuunsato oo kale, taas oo noqon karta mid macnaawi ah/ moraal ahaan ama mid la taaban karo oo ah wax qabad, amaba ninka oo waxuun ka xanaaqsan oo uu u baahan yahay naxariis iyo hadal wanaagsan oo jilicsan, iyo qof is garab taaga oo ka fududeeya arintas dhibaysa, ogowna marka aad ka xanuunsato xanuunka qofka kale waxuu dhaliyaa midhaha ugu wayn ee xidhiidhka iyo jacaylka labada is qaba waxuuna ka yeelaa labada isugu dhow oo isugu jecel midkoodba kan kale …

Wallaaahu muwafaq

The post Toban Dariiqo Oo Lagu Kobciyo Jacaylka Labada Is Qaba appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles