Bacda ssalaam, Magacaygu waa Zaki Maxamud waxaan ahay Qurbajoogta kunool qaarada yurub gaar ahaan wadanka Belgium,
Isla markaana kasoo jeeda gobalka Awdal Waxan rabaa inaan maanso yar la wadaago Aqoonyahanka suugaan dhaadhiga ah ee Bashiir SHeekh Cumar Good, inkasta oon anigu ahayn gabayaa, waxaan dabasocdaa gabaygiisii lagu diirsaday ee uu ugu magac daray DARUURAHA DHUUB KU XIDHO, ee uu uga jawaabayey, maansadii DHUSHAAD BARE IIGA TAHAY EE uu tiriyey Mr.Dhimbiil oo ah arday dhigta Jaamacadda Camuud ee Borame.
Waxan maansadeydan gaaban ugu magacdaray GARNAQSI. Waanakan.
Duco aan ku bilaabo
Arday yohow dadaalaa (Dhimbiil)
Deelleydii aad bilowdayee
Dr.Goodna kaaga dambeeyey ( Bashiir SH.Cumar Good)
baan dabadeeda hayaa
Docday Aan wax idhaahdo
Aan dulsaaro halbeeg
Daadeheeyo markeyga
Deylqaaf Aan ka ilaasho
Daa’inkey hayga yeedhsho
Bimaa yuxibahu wa yardaa
Aan kasoo duulo xagaa
Daahfurkii gabaygeygan
Murtidii u daadego
Dareenkey an idhaaho
Dr.Goodoow gabeygaagii
Daruuraha dhuub ku xidho
Lagu diirsay runtii
Waa sidaad isdultaagtey
Dabuubtii aad tilmaamtay
Dantu way ku jirtaa
Ayaadse ku deysey
Idinkaa leydin dooni
Doktooradiina dhamaan
Ph.D Wada duubayee
Dibedahaa lagu teedshey
Somaliland baad degentiin
Daa’inkey inigu beeray
Dadku weydin rabaan
Idin dooranayaan
Daadeheeya markiina
Oo dalkiina yimaada
Doodu waa socotaa
Deylku waa furanyey
Nin walow dacalkaaga
Darmaantaa ka waraabso
Anigase halkeyga
Haatan weyga intaa.
zakimahmoud28@gmail.com
The post Maanso: Garnaqsi wuxuu Daba socda Silsiladii Dhimbil bilaabay ee Bashir ka Jawaabay appeared first on Awdalpress.com.