Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Muuse Biixi oo Ka Maagay Booqasho Aan Niyad Ahayn oo uu Caawa Ku Tagaayey Xaafadda Siinaay ee Hargeysa+ Dhallinyar Ku Orinaysa oo Loo Abaabulay +Cisbitaalka Edna Aadan oo uu Magan Ahaan u Galay iyo Ciidamo La Soo Dhoobay Agagaarka Cisbitalka.

$
0
0

bixi

Hargeysa(OWN):-Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka maagay socdaal aan niyad ahayn oo markii hore uu ku doonaayey in uu booqasho ku taggo xaafadda Siinaay ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, ka dib markii dhaga-dhageeyaashiisu u sheegayeen in dhallinyar badan oo ku orinaysa laga abaabulay badhtamaha suuqa xaafadda Siinaay.
Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah, ayaa sheegaya Muuse Biixi uu socdaalkiisa ha’kad ku galiyey agagaarka Cisbitaalka Edna Aadan, waxaana kale oo la sheegayaa in dhowr daqiiqo uu fadhiistay maqaaxida Ubaxle oo iyaduna ka soo horjeeda Edna Adan isla mar ahaantaana isaga oo aan dhammayn koob shaaha oo uu dalbaday si deg-dag ah uga kacay, waxaana markiiba uu galay cisbitaalka Edna Adan isaga oo iska dhiggaaya in uu soo booqanaayo bukaanka Cisbitalkaasi.
Wararku waxa kale oo ay intaas ku darayaan in isla markiiba ay goobtaas ciidamo aan la garanayn meesha laga dalbay bal loo malaynaayo in ay ka war heleen dhallinyarta abaabulan ee u diyaarsanayd ku orinta Muuse ay xidheen jidadka iyo sida oo kale isgoys-yada soo gala iyo cisbitaalka Edna Adan, waxaana wararku tibaaxayaan in dadkii bukaanka cunta u siday ay ku xaniban yihiin agagaarka cisbitalkaasi iyaga oo loo diiday in ay halkaas galaan.
Muuse Biixi, ayaa si deg-dag ah dib uga soo laabtay xaafaddaasi, waxaana wararka hadda na soo gaadhayaa ay sheegayaan in ciidamaddii dib loogga qaaday jidadka, is-goysyada iyo cisbitalka Hargeysba.
Ugu dambeyntiina Muuse Biixi, ayaa hore ay siyaasiyiinta iyo bulshada Somaliland si aada ay ugu dhalliileen qaabka uu u bilaabay siyaasaddiisa madaxtinimo doonka ah ee curdinka ah, iyaga oo tilmaamay in mar haddii qofku madaxtinnimo uu doonaayo aanay habboonayn in kaliya uu ku wareegaysto xaafadda uu ka soo jeedo maadaama laba jeer oo hore uu socdaal lug ah ku tagay xaafadda uu ka soo jeedo ee magaalada Hargeysa.

The post Muuse Biixi oo Ka Maagay Booqasho Aan Niyad Ahayn oo uu Caawa Ku Tagaayey Xaafadda Siinaay ee Hargeysa+ Dhallinyar Ku Orinaysa oo Loo Abaabulay +Cisbitaalka Edna Aadan oo uu Magan Ahaan u Galay iyo Ciidamo La Soo Dhoobay Agagaarka Cisbitalka. appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles