Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

DEGDEG: Weriye Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

$
0
0

hindiya1-tacsi

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow geeriyootay Weriye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka mid ah weriyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, kaddib markii dhaawac culus ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigeeda xilli ay ku sugneyd isbitaalka Xanaano oo ku dhow isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho

hindiya-tacsi

Allaha u naxariisto Weriye Hindiya Xaaji Maxamed
Meydka Weriye Hindiya ayaa la filayaa in galabta la aaso, kaddib markii ay ku geeriyootay isbitaalka Madiina oo lagu dabiibayay dhaawaceeda.
Ehelada Allaha u naxariistee Hindiya Xaaji ayaa ka tashanaya iminka sidii laga yeeli lahaa meydka, waxaana goobta gaaray madax ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo ay ka tirsan tahay.
Dhinaca kale Gabadhaan ayaa ka howlgeli jirtay Radio Muqdisho oo ay Dowladdu maamusho, iyadoo barnaamijyada gaarka ah u qaabilsaneyd.
Allaha u naxariistee Weriye Hindiya Xaaji Maxamed ayaa horay uga uga geeriyooday ninkeeda oo isna ahaa Weriye laguna magacaabi jiray Liibaan Cali Nuur isla markaana u dhashay caruur.
Maamulka, madaxda, shaqaalaha iyo weriyeyaasha kala duwan ee ka howlgala Shabakadda Awdalpress waxay tacsi u dirayaan ehelada Weriye Hindiya Xaaji, waxayna leeyihiin samir iyo iimaan Allaha ka siiyo eheladii, qaraabadii iyo bahdi Saxaafadda ee ay ka geeriyootay. AAMIIN…AAMIIN

The post DEGDEG: Weriye Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles