Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Putin “Turkiga Wuu Ka Shaleyn Doonaa Diyraadii Uu Soo Riday..”

$
0
0

putin

Madaxweynaha dalka Rushka Vladamir Putin ayaa mar kale digniin adag u jeediyay dawlada Turkiga taasoo la xariirta diyaaradii Rushka looga soo riday xadka u dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Syria.
Madaxweyne Putin oo la hadlayay baarlamaanka dalkiisa ayaa waxaa uu sheegay in Turkigu uu ka shaleyn doono diyraadii uu ka soo riday sida uu yiri.
Sidoo kale M/weynaha Rushka waxaa uu sheegay in dawladiisu ay ka aarsan doonto Turkiga oo uu sidoo kale ku dhawaaqay in arrintaasi keenay cawaaqib aan la mahdin.
Dawlada Turkiga ayuu ku eedeeyay inay taageerto wax uu ugu yeeray argagixisada gobolka oo uu ula jeeday kooxda Daacish.
Dawlada Turkiga ayaa dhankeeda ku adkaysanaysa inay ku saxantahay go’aankii ay kusoo riday diyaaradii Rushka ee nooca dagaalka aheyd maadaama ay ku xad gudubtay hawada Turkiga.

The post Madaxweyne Putin “Turkiga Wuu Ka Shaleyn Doonaa Diyraadii Uu Soo Riday..” appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles