Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Guddoomiyihii Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

$
0
0

Eng-MukhtaarAwdalpress(Muqdisho) 26 July 13–Eng. Mukhtaar Xasan Maxamuud oo ahaa guddoomiyihii Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa saakay ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo uu muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay.

Canab Cabdullaahi Xasan oo uu abti u ahaa Eng. Mukhtaar ayaa Bar-kulan u xaqiijisay inuu u geeriyooday cudurka Sokorta iyo Cagaarshowga oo uu la il-darnaa bilihii ugu dambeeyay.

Sanadkii 1999-kii wuxuu aasaasay Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed oo tababarro iyo waxbarasho lacag la’aan ah oo ilaa heer diploma ah lagu siin jiray weriyeyaasha Soomaaliyeed.

Xilligii dowladdii dhexe wuxuu soo noqday agaasimaha waaxda sawirrada ee wakaaladdii filimada Soomaaliyeed, isagoo kaddibna noqday maareeyaha wakaaladdaas.

Intii u dhaxeysay sanadihii 1980-kii ilaa 1990-kii wuxuu macallin ka ahaa kulliyaddii saxaafadda ee jaamacaddii Lafoole.

Wuxuu qoray buug ka hadlaya taariikhda saxaafadda Soomaaliya.

Alle ha u naxariisto Eng. Mukhtaar wuxuu sanadkii 1945-kii ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images