Awdalpress(Hargaysa) 26 July 113–Guddoomiyaha Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in in golaha wadatashiga iyo xukuumada ergadii ay ka galeen ay meel fiican u marayso, tilmaamayna in hoos loo dhigo hadalada xanafta leh ee labada dhinac ay isku marinayaan warbaahinta, isagoo ug digayna shakhsiayadka xukuumada ku jira inay aflagaado warbaahinta u mariyaan hogaamiyayaasha golaha wadatashiga ku dhawaaqay oo uu sheegay inay tacab badan dalkan u soo galeenhalgankiisii dibu xoraynta SNM, Madaxweyne Siilaanyo-na ay halgankii qadhaadhaa muddo dheer ku soo wada jireen. Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa u sidaasi ka sheegay khudbad uu shalay ka jeediyay munaasibada ay ku soo dhawaynayeen siyaasiyiinta urur Siyaasadeedkii Jamhuuriga ee ku hadhay doorashadii golayaasha deegaanka oo shalay si rasmi ah ugu biiray xisbul Xaakimka Kulmiye. Mujaajaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya arrimahaas hadalkiisa waxa uu ku bilaabay “Haddii aanu nahay Kulmiye waxa aanu soo dhamaynaynaa khilaafka ka dhex baxay labada xisbi ee Ucid iyo Wadani, khilaaf kasta oo Somaliland xal looga helana waan soo dhaweynaynaa, umana aragno Mucaarad nagu biiray oo anaga nagu soo duulaya, laakiin waa mid aanu soo dhaweynayno? Guddoomiyaha Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi mar uu ka hadlayay golaha Toosinta iyo wada tashiga Somaliland waxa uu yidhi “Maalmahan Dhawaaq Baa Soo Duulay Mucaarad, Rag odayaal ah, qiime wayn dalkan ku leh, raggii dalkan u soo tabcayna ah ayaa hadalo kul-kululi ka soo duuleen, Xaga xukuumadana Hadalo Kul-kulul baa ka dhacay Dadku arrintaas way ka naxeen guddo iyo dibadba. Hadaba waxa aan idiin sheegayaa arrintaasi halka ay marayso iyo wixii laga qabtay, markii uu dhawaaqaasi soo duulayba saacadii ugu horeysay waxa aan la kulmay Madaxweynaha, waxa aanu isla qaadanay Madaxweynaha in raggaas hadlay ay yihiin ragii tacabka badan dalkan soo geliyay, haddii cid dul qaadanayso ama lagu gafaayana in ay noqoto xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye, wax kasta haddii ay yimaadana iyaga marka hore laga helo degenaansho.
Isla habeenimadii Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Waxa isugu yimid Madaxda sare ee Xisbiga oo uu madaxweyne ku xigeenku ka mid yahay, Xasan Gaafaadhi ka mid yahay iyo Wasiiro, waxaana laga wada hadlayay sidii arrintaas loo geli lahaa, waxa la isla qaatay in walaaladeenaas hadalka kulul ka soo yeedhay gacan qabaw iyo af qabaw loola tago” Muuse Biixi waxa uu intaa ku daray “Haddii xitaa laba qof oo Masaajid ku wada jira uu hadalku ka taagtaagmo cid garab cararta lama waayo, labada dhinacba waa ka jireen dad hadal kul-kulul tuuraya. Kulmiye, Madaxweynaha iyo Xukuumada waxa arrintaasi laga go’aansaday in raggaasi aanay ahayn kuwo aynu wax xun is odhan karno ama is tuurtuuri karno, laakiin aynu arrinta wada hadal ku soo celino.
Habeenkii markii meeshaas laga tagay, maalin labaadii waxa la diray saddex aan ku jiro, Wasiirka Waxbarashadu ku jirto iyo wasiirka Daakhiliga, aniga ayaana la iigu horeeysiiyay sababo badan oo aad garanaysaan in aan la soo hadlo Xasan Ciise, Maxamed Xaashi iyo dhago weyne. Markiiba waxa aanu ku horeynay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, si fiican ayuu noo soo dhaweeyay, wax fiicana meel baan isla dhignay, waxaanu nagu yidhi, anigu da’daas aan ahay waxa aan doonayaa wanaag. Waxa aan ku xigsiiyay Dhago Weyne, dood adag ka dib waxa aanu isla meel dhignay qodobo muhiim ah. Dhinacan xukuumadana waxa ay ahayd in aan wax duul duul ahi ka bixin, laakiin nasiib darro labada dhinacba dad fidmo wadeyaal ah, ayaa idaacadaha iyo Warbaahinta oo mararka qaarkood aan kuu ogolaanaynin in aad si fiican wax u qabato ayaa iyaguna hadalkii soo tuuray” Gudoomiyaha Kulmiye wuxuu intaa raaciyay “Haddii ay maanta Xumaato Taariikhda Siilaanyo, ogaada ta Maxamed Xaashi wey xumaaanaysaa, ta Xasan Ciise way xumaanaysaa, ta Xasan Guure way xumaanaysaa, a dhago weyne way xumaanaysaa, waayo waa dad isku taariikh ah”. Mar uu la hadlayay dhinaca xukuumada waxa uu yidhi “Xagga Kale raga xukuumada ku jira ama suuqa jooga ee inta ay warbaahinta soo fadhiistaan Maxamed Xaashi ama dhago weyne u kala tirinaya, waar ma qabato waa meel ka dhac in ay socotana maaha.
Haatuf





