Awdalpress(Mambasa) 26 July 13–Warbixin cusub oo QM soo saartay ayaa la xiriirisay Abubakar Shariff Ahmed oo lagu naaneeso Makaburi kana mid ah wadadaada ree Mambasa qatar argagixiso oo ku soo fool leh Kenya iyo Tanzania.
Warbixinta QM ayaa ku eedaysay ninkani in uu hagayo howlgalo kooxo ay warbixinta ku sheegtay argagixiso .
Mr Makaburi ayaa imanka al sheegay in uu xiriir la leeyahay koox ka dhisan dalka Tanzaniya oo lagu magacaabo , Ansar Muslim Youth Centre, iyo urur ka dhisan dalkani Kenya oo lagu magacaabo Al Hijra, .
Labadani urur ayaa waxa labadaba lala xiriiriyaa in ay gacn saar la leeyihiin xarakada Al Shbabab ee dalka Soomaaliya .
Warbixinta QM ayaa farta ku fiiqaysa in Abubakar Shariff Ahmed uu iminka xubin firfircoon ka yahay ururka Al Hijra ee ka dhisan dalkani Kenya .
Mr Makaburi, oo isaga ay ku socoto dacwada la xiriira argagixiso iyo kicin dadwayne ayaa si wayn u beeniyay in wax xiriir ah uu la leeyahay urura dani .
Wadaadkan ayaa ku tilmaamay warbixinta QM mid been abuur ah .
Abubakar Shariff Ahmed oo ka mid ah wadaadada sida weyn looga yaqaan magaalada Mombasa ayaa waxa uu QM ku eedeeyay in ay doonayso in ay samayso sabab ay ku laayso muslimiinta ay ku boobto qayraadka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay .
Star




