Marka hore Salaan guud. Marka xiga Fariimaha waayahan tilmaanta leh fogaal arag iyo website-yadu kala haadinaayeen , dhan waliba u faafsheen; qof kastaba halkiisuu wixii uu ka odhan lahaa yidhi, Anigana dareynkey an Itaalkey dhiibtee, aragtideydu waxey tahey gurmad qaran ha loo kaco.
Sida macnaha weedha Cinwaanka ku cad ayaa kala qeybsanaanta aragtiyahu u kala qalan yihiin.Waxan filayaa in ayna iiga baahneyn sharax iyo fasiraad badan. Haddiise, aan macaan jecesha iyo kuwa Huguriga wax ka arka ee indhahoodu waxa hoota yaala arkin waligood an far waa weyn ugu qoro;waxan leeyahey,dawladnimadu iyo dimuqraadiyadu ma ahan kolba koox ooman in xafiiska la fariisiyo si ay calooshooda iyo danahooda gaarka ah u fushato inta kalena sida wax loo budlinayo iyo raamisgooda dhageysato.Inaan gacmaha laabano, afkana xidhino ilaa aniga oo soo taagan an fiirsano wixii la wada lahaa dariiqa uu ku socdo iyo halista soo fooleh. Ma dambibaa “Waar Xageen u Socona?” Waar jar baan ka sii dhceynaa ee aan ka tashano; ninka yidhi ; Ma Deyrkii Makuu gubey?
Ma ninka awoodihii Golayaashii Dastuuriga ahaa iyo tii Maxkamadaha madaxtooyada ku wada ururiyey ayaa Dastuurkii iyo sharciyadii dalka ka talaabsaday baa jabiyey; mise kooxda khatarta soo fooleh aragtey ee gurmadka ah baa sharcigii jabisey? Kuwan leh, ha la daayo, yaan lala hadalin inta waqtigii la doortey u dhammaanayo,ma gabiga an ka daadana e dawrtaa! Yaaba islaba gaadhaya muddo dhamaad. “ BALAAYO MADAX LA QABTO AYEY LEEDAHEY, DABA LA QABTO MA LEH!” Murti kale aheyd, “DAAD ROOB HORTII BAA LA ISKA MOOSAA”; mid kalaa odhaneysa, “WAARI MEYSIDE WAR HA KAA HADHO”. Markaa,waxan leeyahey: Inta Golahan Gurmadka ah waa sharci iyo sharci ma ah wixii tamar ad laheydeen ku lumineysaan,maa dadaal lagu bixiyo samatama bixinta Qaranka gabiga ka lusha. Haddii, aaney Idiin muuqan oo aragtidiina gaaban tahey Itaalkiinuna yaryhey;weydiiyey waxa ay arkayaan, talo iyo farsamada lagaga badbaadi karo khatarah inagu gadaaman iyada oo wax kharash lagu bixin inta kolba koox hantida ummadda kolba koox faraqa ugu shubeysaan ee ad leedihiin naga difaaca iyada oo cid dagaal idinkula jirtaaba jirin.
Siilaanyo/Kulmiye saddex sanno ka hor waa la wada ogaa,wixii sawaxan, Cay,dacaayad,mudaaharaadyo,qabiil kicin iyo ballan qaadyadii ahaa, in 100ka maalmood ee maamukiisa,dadka lagu dharginaayo. Ictiraaf iyo hor u mar dhinac walba ahna dalka sanad ama laba ugu badnaan ku gaadhsiin doono. Maxaa ka dambeeyey? Ma waxay ka aheyd, mar uun kursiga igu fadhiisiye? Mase odhan karaa, odeygu isaga oo da’daa ah ayuu rabey in xoolaha ummada afka u dhigto, kuna Toobad seego ayaa wixii dagaal ahaa u marayey?
An isku jawaaba e waxey ila tahey, MAYA; Waayo caruurtiina ka kortey oo isku filan,inta u noolyaheyna ka badan mushaarkiisu ee wuxu rabey in uu hamigii ahaa in mar uun Madaxweyne noqdo gaadho. Dalka iyo Dadkiisana aayo iyo taariikh an duugoobin uga tego, Magac ha kaa hadho.Haddaba, ha la is weydiiyo, maxaa khaldamey? Maxaa dhacey oo dariiqii ka lumiyey? Ha loo helo jawaab.
Dib u raac Taariikhda, waxad si fiican kuugu muuqan dhacdooyin badan oo nin u soo joogey, nin akhriyey iyo nin sheeko ku heleyba oo in wax laga barto mudan. Waxa arki in haddii hogaaminta Dal (Madaxtooyada} wax ma garato (Dumar,Caruur, Jaahil) gacanta u gasho,Musuqmaasuq baahasan, Cadaalad daro, Cabudhin, Eex iyo qaraaba kiil iyo beel beeleysi qaran ma tanaado, si deg deg ah ayuuna u burburaa. Dib u Jaleec qarankii SOOMAALIYEED! Waa Wixii Haligey.
Bal is barbar dhig. Ayaamuhu ma la mid yihiin kuwii aakhirkii sideetamaatkii (last 80’s).Da’da iyo tamarta odayga iyo Siyaad Barre , dumarka iyo inta magaciisa ku talisa iyo wax alla wixii waqtigaa jirey ee burburiyey SOMAALIYDII la ogaa. “ Its absouletly the same as what has happened in greater Somalia”. Waqtigaaba, Gole Shacab(wakiilo) ayaa jirey balse magac u yaal uun ahaa. Goleyaasheena maantu, miyaaney u soo dhuran gole sacab oo la mid ah kii barigaa. Halkii ay xukuumadu ay iska eegi laheyd, ka cabsoon laheyd, sawtan iyagii baqdin beerkii cadaadey,in waqtiga loo kordhin waayo. Ka qudha ee ka daba qeylyaa waa Faysal Cali Waraabe, asagana ololaha ku socda iyo halka lala marayo waad aragtaa!
Markaa, haddaba ma waxay kula haboon in daadka iyo khatarta inagu soo socota in lagu sii eego sida wax u socdaan,Mise waan la iska mooso?
Golahan wadatashiga ee sidii fiinta laga qayliyey, waxan odhan waxba yaan waa sharci daro iyo balaayo hogaaminayaan yaan la idinku jabsan, waxanse,idinkula talin lahaa:
1) SNM iyo Mujaahid waqti bay aheyd lamina wada laheyn; maantase qarankani waa mid reer S/land wada leedahey oo ay tahey in la wada Ilaashado; markaa waa in uu goluhu ka balaadnaadaa.
2) Markan eego culeyska ay leedahey arrinta qaranka ee ad miiska saarteen; Magacan Gole ee laga dhigtey geed dabada lagu xoqdo ee la idinka xigsanayo, waxaba aniga igala miisaan culaan lahaa idinka oo ugu yidhaa, “Gurmad Qaran”.
Waxan Ummadda gaar ahaan dhalin yarrada ,Tahriibka maciinka moodey, in codkooda furaan si nabad gelyo ah.
Kala gartaan kuwa Qaranka Laxa jeclada ka qaba iyo kuwa dhuuniga iyo dhadhamada ugu dhagan!.
Wa Bilaahi tawfiiq.
Abdi Geireh, Seattle, WA, USA.
ageereh@yahoo.com.




