Mogadisho (Awdalpress) Wararka aanu ka helayno Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lala eegtay kolonyo gaadiid ah ay wateen Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM.
Qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM ayaa ahaa mid xoogan oo laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Marka sida ay goobjoogayaal ku warameen, Ciidamada AMISOM ayaana dhankooda rasaas riday markii qaraxa lala eegtay kadib.
Waxaa daqiiqado kadib goobta qaraxa ka dhacay soo gaaray Ciidamo katirsan Maamulka Degmada Marka , waxaana halkaasi dagaal mudo kooban socday uu ku dhax maray Kooxo hubeesan aan heebtooda la garan iyo Ciidamada maamulka.
Dadka Deegaanka ayaa ku waramay in dagaalka uu socday daqiiqado dhoor ah uuna u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka iyo Kooxo hubeesan oo ku sugnaa meel aan ka fogeen halka lagu qarxiyay Ciidamada AMISOM.
Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM iyo dagaalka ka dhacay Magaalada Marka, xaalada ayaana hada lagu soo waramayaa in ay tahay mid dagan , waxaana goobta isku fidiyay ciidamo katirsan Maamulka Magaalada Marka.
Magaalada Marka waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorheesan iyo qaraxyo lala eegto Ciidamada AMISOM ee Magaaladaasi ku sugan, waxaa sidoo kale Magaalada Marka mararka qaar isku dagaala maleeshiyad hubeesan oo halkaasi kuwada sugan.
The post Qarax Xoogan iyo dagaal maanta ka dhacay Magaalada Marka appeared first on Awdalpress.com.