Awdalpress – Hargeysa – Waxa habeenkii xalay magaalada Hargeysa ka dhacday munaasabad aad loo soo agaasimay laguna soo dhaweeyey Dr. Qasim Sh. Ibrahim Tubeec oo ka mid ahaa shakhsiyaadka culayska weyn leh ee u tartamayey jagada M/Xigeenka Waddani oo u tanaasulay Ambassodor Mohamed Ali Aw Abdi.
Ambassodor Mohamed Ali iyo Dr.Qaasim Sh. Ibrahim oo ka soo wada jeeda beelaha bariga Awdal ayaa muddaba ku loollamayey jagadaasi, waxa uu tartankaasi soo afjarmay markii habeenkii xalay ahaa uu Dr. Qaasim in uu walaalkii u tanaasulay kaga dhawaaqay xaflad aad iyo aad ay u soo cammireeen hal doorka degaannadaasi.
Sida shabakadda awdalpress ku helayso wararka iyo farriimo kale oo na soo gaadhaya, ayaa la filayaa in wafdi uu hoggaaminayaa ay booqasho culayskeeda leh ku tagaan magaalada Borama, halkaa oo loogu samayn doono soo dhaweyntii abid ugu shacabka iyo qiirada badnayd.
Awdalpress
The post Musharraxa Madaxweyne Xigeenka Waddani Ambassodor Mohamed Ali Aw Abdi oo guushii ugu weyneyd u soo hooyey xisbiga Waddani. ( Halkan ka daawo ) appeared first on Awdalpress.com.