Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Maraykanka oo bogaadiyay natiijada shirkii wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya

$
0
0

usa_flag-300x200Dowladda dalka Maraykanka ayaa bogaadisay natiijada shirkii looga tashaday hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ee dhawaan lagu qabtay Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Maraykanku taageerayo go’aannada kasoo baxay shirkaasi.

Warka ayaa mas’uuliyiinta Soomaalida ku boorrinaya inay dhaqangaliyaan qodobbada lagu heshiiyay, si looga hortago qalalaase dhinaca siyaasadda ah oo ka dhaca Soomaaliya.

Dowladda Maraykanku waxay kamid tahay dowladaha horumaray ee taageerada joogtada ah siiya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee sida buuxda u aqoonsaday markii la doortay, sannadkii 2012-kii.

The post Maraykanka oo bogaadiyay natiijada shirkii wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images