Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Adoo Hoota ah oo Hadhaadiya oo hirdana badan Lo’daka Horow ( Horteed) ha la isoo Horro side ku Heshaa!

$
0
0

Inta aanan nuxurka qoramadan u guda galin an qaar ka mid erayada weedha cinwaanka wax yar sharaxaad ka bixiyo; waxa laga yaabaa in an dad badani fahmi waayaan;waayo, waa suugaan ay dadka galbeedka ee lo’da dhaqdaa leeyahiin.

Nin lo’ jir ahaa ayaa waxa lo’diisa ku jirey sac Hooto ah( gabno) oo caano laga helaa ha joogto e an weyshiisa ku fileyn. Hirdo badan= lo’da laaya. Hadhaadi ah (socod gaaban) marka lo’du ceelka u aroorayso ama meel fog lagu guurayo ma gaadho xoolaha, in fiiro loo lahaado si aan dugaagu kali ugu helin u baahan.Isagoo dhibtaas badan leh ayuu haddana wuxu ku darsadey HUNGURi xumo. Marka Lo’da ceelka laga waraabinayo , kolba afar ama shan ayaala  horaa. Waxa horta la Horaa lo’da irmaan ee caanaha laga helo inta gudhan ee aan manaafac  lagu qabina waa loo dambeysiiyaa. Laakiinse, Sacani  wuxu rabaa in  mudnaanta la siiyo oo inta ugu hor cabta lagu daro. Dagaal iyo kolba dhinac u orod ayaa inanka kala horayaa ku dhibtoodey. Markaas,wuxu dabdeed u tiriyey tixdan “ ADOO HOOTA  AH OO HADHAADIYA OO HIRDANA BADAN LO’DA KA HOROW HA LA I SOO HORO SIDEE KU HESHAA”!   Taasi oo ah, adiga oo aanan faa’iido kugu qabin dhibana badan tahey,sided mudnaan igaga rabtaa!

Haddaba, halka Sacaa iyo saaxiibkii ay kala taagnaayeen ayaa maanta  dawlada iyo shacabka S/land kala taagan yihiin.Haddii aan si deg deg ah oo taxadir leh loo furdaamina, Xalka meel fog baa laga raadin doonaa!

Sida wax looga qaban karaana waa TALO QARAN oo Barri ilaa Galbeed iyo dibadba loo dhan yahey oo aan ku koobneyn Goleyaasha sacabka,Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka oo qudha. Golaha Wada tashiga iyo Toosinta oo anigu ugu yeedho ( KOOXDA GURMAD QARAN) oo la balaadhiyey  aaney mujaahideenta SNM.iyo Hargeysa ku ekaan!. Waxan isleeyahey talooyin badan oo waxtar ah iyo kalsoonida sii lumeysa so noolaynkarta. Ogaadana in aayo ka talintu ku haboon tahey inta ay khuseyso oo dhammi ay hareer joogto.

Waan hubaa in macaan jecesho odhan doonaan Beelihii an ka soo gudubney baa dib la inoogu celinayaa. Halka maanta ay taagan tahey ma qarinimaa mise waa beeleysi halkii ugu hooseysey.

Aawey Madaxweyne ku xigeenkii dalku, mashaariicdii uu xadhiga ka jarayey xataa,miyaan  Xirsi la wareegin. Boqol jeer oo uu qaylo dhaan sameeyey miyaan isagii daalac loo raacin.Haddii markaa  waxa uu arkey hoos loogu fiirsan lahaa waxbaa  la saxi karayey, Taasi tegtey oo caano daatey dabadood la qabaye bal maanta yaan ilduuf kale dhicin.

Nidaamka Dawladeed ee S/land ku heshiisey wuxu ahaa nidaamka madexweyne iyo M/ku xigeen. Maanta kii maaha ee waa M/weyne iyo R/wasaare, sida ka dawlada Itobiya ka dhisan. goor an ku heshiiney iyo meel lagu ansixiyeyna bal adba! Hindise kan oo kale ah in suuqa lagu soo tuurey wey jirtey isagoo  miino baadhis ah.Waxa cadeyn ah awoodaha xafiiskani leeyahey.

Haddii shir la tagayo, beelo nabadeyn ,qarameyn ciidan,dhagaxdhig iyo furis mashaariic,magacaabis iyo eryid iyo maamul intuba waa Xilaalka R/wasaaraha cusub (Jack of all trade) oo aan waliba heerkii aqooneed iyo waayo aragtinmadeedii laheyn. Inta kale ma Rootiba!. Waan sabata an kala mid dhigaey sheekada ninka lo’ jirka ah iyo saciisa hootada ah.

An ku yar noqdee; Ninkan Lo’leyda ahaa wuxu deganaa, deegaan aan   qabiilkiisa lagaga badnaa.Waxey beeshu ka cabi jirtey ceel la yidhaa “Eelo-udu”. Waxa ninkii loo diidey in lo’diisu ka cabto ceelka. Markaas buu tiriyey tix habaar iyo duco isugu jirta, wuxu yidh, “Eelo-udadii Eebaheen qodey,Aaden yoodluhu iigu odey sheeg ee Eebayow Eelo-udo gudhi dadka idilkiina Elgo wada gee”. Elgo waa ceel kale oo u arkayey in aan loogu odey sheegan Karin. Amar Ilaah, Ilaahey uu ka aqbaley,Eelo-udana maalintiibaa biyo ugu dambeysey ilaa maantadaa an joogno! Markaa, Cadaalad daro,iyo dulmi  bato xaqana laga warwareego, sidaa oo kale ayaa dhacda.

Haddaba, haddaan si daacad ah oo aan runta loo abaarin isla-markaana maskax caafimaad qabta iyo niyad saafi ah lagu galin arrimaha ina horyaala,  “Eelo-udo” waa S/land e way gudhi;  dadkuna, “Elgo” waa Soomaliya e ayuu wada tagi ee taa ha la ogaado.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Abdi Geireh

Seattle,WA,USA

ageereh@yahoo.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles