Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qalanjadii Qarashka Diidday! (Sheeko Xiiso leh)

$
0
0

qiso-dhab-ah
Wuxuu arkay iyada oo meel is ka maraysa, oo laafyaha tuuraysa, oo diraca iyo googaradda hadba dhinac ka qabanaysa. Waa wiil sawir-qaade ah, una shaqeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu caansan ee wax xayeysiiya. Markaas ayuu ka soo daba orday,”iga raali noqo, wax yar ma kula hadli karaa?”, ayuu ku yiri, dhegba jalaq uma eysan siinin, mana milicsan xaggiisa, horteeda ayey u sii socotay, iyada oo gacanta ku filqeysa, oo ey ka waddo, “war naga tag”. Wuu ka daba socdaa, is mana fahmayaan, “fadlan wax yar ii istaag”, ayuu ka daba leeyahay, iyaduna af Soomaali ayey waxay ku leedahay, “war waxyahow qaniiska ah naga har, maxaad na daba dhigatay?!”.

Wiilku waa qandaraas qaate, ku caan baxay soo saaridda hablaha wax xayeysiiya, wuxuu yaqaan jirka iyo jogga gabadha uu soo saari karo, lacagna u abuuri karo, kana abuuri karo, balse, Cambaro oo ah gabadha Soomaaliyeed ee uu isha la helay, waa ka dhaga iyo war la’dahay waxa uu ninku ka rabo, waxaana ka dhaadhacsan in uu yahay kuwa hablaha waddooyinka u istaaga, oo faddarada ah. Dalka ey joogto waa ey ku cusub tahay, sharcina ma qaadan wali, wax kasta oo ey aragtana shaki iyo wuswus ayey ka qabtaa.

Waa gabar dheer oo jalaqsan, dhinac kastana is kaga dheelli-tiran, jir iyo joogba, muuqeeda iyo midabkeedu waa waxa sawir-qaadahaan daba dhigay. Wiilkii markii uu ka quustay in gabadha uu xitaa ilbiriqsi la hadlo, ayuu dhallinyaro Afrikaan ah oo meel taleefannada looga hadlo hor tuban, u qayla dhaansaday, kolkaas ayuu ku yiri, “Fadlan gabadhaan Afrikaanta ah shaqo ayaan u hayaa, shirkad hebel qaybteeda xayeysiinta ayaan ku daraa, aniga ayaana huba in ey maal iyo magacba ku helayso, u sheega soo shaqo ma rabto?! Muuqaalkeeda ayaa u lacag ah, fadlan na dhaxdhaxaadiya”.

Mid ka mid ah dhallinyaradii ayaa intuu xaggeeda u orday gacanta ka qaban maagay, saa waaba tan dharbaaxsho is ka soo jartay, kabtii ey gashanaydna siibatay, si ey is kugu difaacdo, dhallinyaradii ayaa wada qaylisay, “Walaasheen is daji, walaasheen is daji”, hasa yeeshee, Cambaro waxaa ka dhaadhacsan in maanta loo soo tashaday, af libaaxna ku jirto. Cambaro waa ey neef tuureysaa, dhidid yar ayaa ka soo yaacay foolkeeda, waxayna dareentay cabsi. Wiilkii sawir qaadaha ahay wuu leeyahay, “Dhallin yaro tartiib ula hadla gabadha”.

Mar uu xaalku halkaas marayo, ayey waxay aragatay gaari Boolisku leeyahay, markaas ayey qaylodhaan ku dhufatay, “Icaawiya, icaawiya”, Booliskii ayaa hal mar ku soo kala firxaday gabadhii. Ooyin ayey ku dhufatay, dhallinyaradii waa naxsan yihiin, oo waxay la yaabban yihiin qaabka ey wax u rabeen iyo sida wax noqdeen. Booliskii ayaa yiri, “Maxaa kugu dhacay?”, ma jawaabi karto, maxaa yeelay, afkii ma taqaan, dhallinyaradii ayaa la hadashay Booliska, kuna tiri, “gabadhaan ninkaan caddaanka ah ayaa shaqo in uu siiyo rabay, weyna ka baqday. “Oo shaqadu maxay tahay?”, ayuu Booliskii weydiiyay, “waa in ey nooqto gabdhaha wax xayeysiiya, maadaama ey jidh qurxoontahay”, ayuu ku jawaabay kii sawir qaadaha ahaay. “Ka leexo, kana har gabadhaan, mana qasbi kartid” ayaa lagu yiri wiilkii sawir-qaadaha ahaay.

Intaas ka dib, Cambaro waxaa loo gu yeeray qof afka yaqaan, oo u sheega waxa uu ninku ka rabay, iyo sida wax u dheceen. Markii loo sharraxay ayey qosal la dhacday, markaas ayey tiri “Alla ma aniguu igu yiri maanta is qaawi aan ku sawiree? Firkaa go’, oo Naarta Alla kugu fogeey. Halkaas ayey Cambaro quruxdeedii shaqo la’aantu wehlisay kala baxday, wiilkii sawir qaadaha ahayna candhuufta dib u liqay, garawsadayna in uu ku hungoobay masrax soo saaridda qalanjadaas, wax kasta is kala qaalisan, baahi kasta oo haysa.

The post Qalanjadii Qarashka Diidday! (Sheeko Xiiso leh) appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles