Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dawladda Federaalka Somalia Oo si cad ula safatay dawladda Sacuudigu mawqifka ay ka qaadatay xukuumadda Iran ee Shicada ah.

$
0
0

War murtiyeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somalia ayaa lagu cambaareyey weerarkii shalay lagu qaaday safaaradda dalka Sucuudiga ee magaalada Tehran iyo dhismaha qunsuliyadda dalkaas ee magaalada Mash-had ee dalka Iran.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in xadgudubkani uu jabinayo heshiisyadii caalamiga ahaa ee dhinaca diblomaasiyadda ee sanadkii 1961-kii lagu gaaray magaalada Vienna, heshiiskaas oo faraya ilaalada xarumaha iyo shaqaalaha diblomaasiyadeed.

War murtiyeedkan ka soo baxay Wasaaradda Ariimaha Dibadda ee Somalia ayaa sidoo kale lagu sheegay in Somalia ay boqortooyada Sucuudiga ku garab taagan tahay dhamaan hawlgalada ay kaga hortagayso argagixisada, isla markaana ay Somalia ku garab taagan tahay adkeynta amniga iyo xasiloonida ay boqortooyadu ka wadda dalkeeda gudihiisa iyo gobolkaba.

The post Dawladda Federaalka Somalia Oo si cad ula safatay dawladda Sacuudigu mawqifka ay ka qaadatay xukuumadda Iran ee Shicada ah. appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles