Awdalpress-05,01,2016-Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in la xidhay saldhig ay ku laheyd koonfurta dalka Itoobiya oo loo isticmaali jiray howlgallada diyaaradaha drones-ka ee lagu bartilmaameedsado saraakiisha kooxda Al-Shabaab.
Afhayeenka safaaradda Mareynka ee Itoobiya David Kennedy ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in go’aanka la gaadhay kaddib markii ay soo baxday in saldhigga Arba Munich oo 450 Km koonfur ka xiga Addis Ababa uusan hadda muhim aheyn.
Saldhiggan ayaa la furay sanadkii 2011, hase yeeshee waligeed dowladda Mareykanka ma aanay sheegin jiritaankiisa. Khuburrada dhinaca amniga ahna waxay rumeysan yihiin in loo isticmaali jiray weerarrada ka dhanka ah Shabaabka.
Itoobiya oo xulufa dhow la’ah Mareykanka ayaa boqolaal ciidamadeeda ah u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab.
RBk
The post Mareykanka oo xidhay saldhig diyaaradaha Drones oo uu kulahaa dalka Itoobiya kuna weerari jiray Al-Shabaab appeared first on Awdalpress.com.