Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Soo dhaweynta Musharraxa u tartamaya M/xigeenkeenka Waddani Mudane Amb. Mohamed Ali Aw Abdi oo si weyn looga dareemayo dhammaanba gobolka Awdal

$
0
0

musharax-ambasador-maxamed-cali-awcabdiAwdalpress – Hargeysa – Waxa maalmahanba si weyn looga dareemayaa magaalooyinka Hargeysa, Borama, Gebilay iyo inta u dhaxaysa qaban qaabada soo dhaweynta Musharraxa u taagan jagada Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani ee la filayo in uu talada dalka ku guulaysto. Oo booqasho ugu ticitimi doona gobollada galbeedka Somaliland.

Wararka ay shabakadda Awdalpress helaysaana waxa ay tibaaxayaan in gobollada galbeedka ay aad uga socdaan qaban qaabada dhoolla tus lagu sheegay in uu yahay kii ugu weynaa ee ka dhaca gobolladaasi. Taasi oo ay shacabka taageerada u haya Amb.Mohamed Ali Aw Abdi uu maalinta Khamiista ku iman doono magaalooyinka Gebilay, DIlla iyo Borama.

Dhoolla tuskaa iyo soo dhaweyntaa ay taageerayaasha Amb. Mohamed Ali samaynayaan oo lagu muujin doono quwadda uu xisibigaasi ku leeyahay gobollada galbeedka ee Amb. Mohamed Ali lagu taageerayo musharraxnimada Amb. Mohamed Ali, ayaa moqonaysa mid ummadda reer Somaliland u xaqiijinaysa guusha weyn ee xisbiga Waddani uu ka filan karo gobollada Gebilay, Awdal iyo Salal.

Sidoo kale waxa iyana hoosta laga xarriiqayaa in tiradii shacab ee ugu badnaa Somaliland uu sannadkan u diyaar yahay cod bixinta doorashada Somaliland. Marka ay is diiwaangelinta iyo kaadh qaadashadu bilaabantana waxa laga cabsi qabaa in kaadhadhka loogu tala galay gobollada galbeedku ku yaraadaan. Haddii ay taasi dhacdana waxa ay dib u riixi kartaa wakhtiga codbixinta ee la muddeeyey. Sidaasi daraaddeed waxa maamulka xisbiga looga fadhiyaa in ay isha ku hayaan shacabka taageerada la garab taagan xisbigooda Wadani.

Awdalpress

The post Soo dhaweynta Musharraxa u tartamaya M/xigeenkeenka Waddani Mudane Amb. Mohamed Ali Aw Abdi oo si weyn looga dareemayo dhammaanba gobolka Awdal appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles