Boorama(Awdalpress)- Soo dhaweynta musharax Amb. Moxamed Cali Aw Cabdi ayaa si balaadhan looga dareemayaa deegaannada isku xidha Magaalada Dilla iyo Boorama halkaasi oo ay dadka deeegaanku ka billaabeen qaban qaabada soo dhaweynta, iyaga oo isla markaasina u boholyoobay soo dhaweynta iyo aragtida musharax Amb. Maxamed Cali oo ka sharraxan jagada madaxweyne ku xigeenka Xisbiga WADANI .
Degaannada iyo buuraha ku gadaaman waddada isku xidha Dilla iyo Boorama ayaa lagu xardhay astaanta calanka Wadani, maalinta bari ayaana la filayaa in uu soo gaadho xarunta Gobolka Awdal ee Boorama halkaasi oo uu intaanu soo gaadhin uu shacabka degmada Dilla iyo deegaannada Tulida, Shirwac lagu Baanay, Goraycowl uu kula hadli doono dadka shacabka ee degan.
Soo dhaweyntanta noocani ah ayaa noqonaysa tii nooceeda ah ee laga sameeyo geyiga Somaliland.
Isku soo wada duuboo badhtamaha magaalada Boorama ayaa waxaa laga taagay sawirada musharax Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi .
Boorama/Awdalpress
Rag is Barey
The post Soo Dhaweynta Musharax Amb.Maxamed Cali Aw Cabdi Ayaa Si weyn Looga Dareemayaa Degmada Borama iyo Dilla. appeared first on Awdalpress.com.









