Awdalpress – Borama – Isku soo bax aan caadi ahayn, oo aan ku koobnayn uun soo dhaweynta musharraxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Wadani iyo wafdiga uu hoggaamiyo ayaa dadka gobollada galbeedku ku waa bariisan doonaan barrito, Boramana waa caasimadda uu fagaaraha ugu weyni ku yaallo ee lagu kulmi doono. Waxana saacaddan magaalada Borama hurdada u diiday buuqa, hugunka suuqyada laga maqlayo iyo sawaxanka baabuurta. Sacabka iyo ciyaaraha ayaa ka socda garoommada iyo duleeddada magaalooyinka Dilla iyo Borama.
Magaalada Borama barrito ma noqonayso maalin caadi ah, waxana dhoollo tus aan caadi ahayn isugu soo baxaya dadkii ugu tirada badnaa ee xisbi keliya taageera ee degaankaa ku noolaa. Xisbiga ay immiga taageerayaan waa Wadani oo ay filayaan in uu dooran doono musharraxa la soo dhaweynayo oo guul ka soo hoyn doona doorashada soo socota. Loona malayn maayo golaha dhexe ee xisbiga WADANI in uu fursaddaasi lumiyo, oo uu cid kale siiyo.
Shacabka barrito isku soo bixi doonaa waa mid isku duuban oo mid ah, waxana ay u soo baxayaan Amb. Mohamed Ali oo wiilkoodii ah, dhoolla tus cududdooda ah iyo midnimadooda ayeyna muujinayaan. Amb. Mohamed Ali ayeyna taageersan yihiin oo ay talada u daba fadhiyaan. Isaga ayaanay la doonayaan in uu xisbiga Wadani musharraxiisa M/ku xigeenka u doorto..
Mujtamac aan tiradooda la soo koobi karin ayaa darifyada magaalada ka soo qul qulaya, waxa ay hammuun u qabaan in ay mar uun hantaan kursi ka mid ah kuwa ugu sarreeya Somaliland. Waanay gaadhayaan.
Awdalpress
The post Maxaa barrito ka dhacaya Borama? appeared first on Awdalpress.com.






