Dilla(Awdalpress) Musharaxa madaxweyne ku xigeenkeen ee Xisbiga WADANI Amb Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa si balaadhan oo aan hore loogu soo dhaweyn musharax kale loogu soo dhaweeyey degmada Dilla ,Tuli ,Shirwac lagu baanay iyo Garayacowl .
Musharaxa iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa markii ay soo gaadheen degmada Dilla waxaa uu halkaasi kala hadlay shacab weynaha ku dhaqan degmada Dilla iyo Deegaaanada hoos yimaadda oo illaa xalay socod ku soo gaadhay degmada Dilla kuwaasi oo hamuum u qabay in ay arkaan musharaxooda .
Musharax Maxamed Cali Ayaa noqonaya musharixi ugu horeeyey ee Deegaanadaasi ka soo jeeda isla markaasina si balaadhan loogu soo dhaweeyo deegaanadaasi .
Labaqaydle
Awdalpress.com/Boorama
The post Musharax Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Degmada Dilla iyo Deegaanada Hoos Yimaadda (Sawirro) appeared first on Awdalpress.com.























































