Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Socdaalkaygii Addis, JigJiga, Aw Barre, Borama iyo Hargeysa.

$
0
0

AhmedweliHotelka aan u hoyannay ee Hamda oo sida la ii sheegay uu leeyahay mulkiile reer Hargeysa ahi, ayaa shaqaalihiisu badi yihiin wiilal iyo gabdho Xabashi ah oo aan aqoon afka Somaliga. Laakiin waxa ay ahaayeen dad si fiican oo aammin ah uga shaqaysanaya Hotelkaasi. Balse waxa ay dhibi ka joogtay is fahamka, oo annaguna af xabashiga maannaan garanayn, shaqaalaha Hotelka ka shaqeeyaana may garanayn Somaliga, Englishka iyo Carabiga midna.

Had iyo jeerna marka aan qaybta cuntada aadno, ayaa is fahamkayagu aad u liitay, wiilasha ila socdayna waxa ay u arkayeen in aanay si fiican u dhageysanayn. Dhawr jeerna waxa dhacday in cunto qaldan oo aannaan dalban la noo keeno.

Sida kale magaaladu waxa ay ahayd mid aad u shidan, oo aad dareemayso in dhaq dhaqaaqeeda ganacsi uu aad u socdo. Saa waa magaalada isku xidha Itoobiya iyo Somalia ee looga kala goosho koonfur iyo woqooyi. Ammaanka iyo kala danbaynta dawladnimo ayaa iyana si weyn looga dareemayey meel kasta oo aad magaalada ka joogsato.

Barxadda Hotel Hamda ayaa ahayd goob gallinka hore iyo gallinka dambe lagu kulmo barxaddiisa hore, waxa isugu imanaynayey waayeel 99% rag ah, oo koox koox u sheekaysanayey shaaha iyo kafeegana ku wada cabbayey. Qurba joog sidayda dibadda ka yimid oo carruur watayna waan arkaynay. Qaar aan kulannayna waxa ay noo sheegeen in ay ka yimaaddeen Maraykan.

Subaxdii dambe aniga oo barxaddaa fadhiya oo sugaya shandadihii ayaan sheekaysannay koox odayaal ah, sida caadiga u ah dhaqanka Somalidana waxa aan sheekada ka bilownay is barasho ama is tohoyasho, waxanan isku sheegnay meelaha iyo beelaha aan ka soo jeedno. Sidaasi waa caadi oo dhaqanka immiga jira ayaa oggol, haddii kale waxa cakirmaysa sheekada.

Odayada aan fadhiga wada yeelannay waxa ay ahaayeen Beelaha Ogaadeen waa sida ay ii sheegeene, markii aan u sheegay in aan ahay nin reer Awdal ahna ( amma Samarroon ) way ii sara kaceen oo si weyn ayey ii karaameeyeen. Oday ka mid ahaa raggaasi ayaa yidhi, ‘ reerkaa Gadabuursiga la yidhaa waa Somali run ah, oo weliba dadkoodu maskax maal yihiin. Qabiilkan ay Somaliyi ku waalatayna ka caafimaad qaba’. Kaddibna sheeko dheer iyo kaftan dhinacyo badan taabanaya ayaan sii guda gallay.

Kalgacalada intaa le’eg ee reer ahaan la iigu sara kacay waxa ay igu abuurtay fikir iyo dareen gaar ah, waxanan odayadaa ugu mahadnaqaa soo dhaweynta sharafta leh, ee iyaga oo aan i garanayn igu soo dhaweeyey wanaagga iyo kalgacalada ay u qabaan dadka aan ka soo jeedo. Rag kale oo iyaguna socota ah oo na dul yimid halkii aan fadhinay ayaa dabadeed la naskaaya baray, oo iyaguna sidii iyo si le’eg ii soo dhaweeyey.

Kaddib, waxa noo yimid gaadhi noo siday shandadihii Addis Ababa nagaga hadhay. Markaasaan raggii aan wada fadhinayna is maca salaamaynay oo aan addressyadana kala qaadannay. Laakiin sidii kagamaan tegine waxa aan isa sii baray raggii magaalada igu soo dhaweeyey qaar ka mid ah.

Maalintaa waxan u anba baxnay dhinacaa iyo  Aw Barre, waxana na sii qaaday gaadhi yar oo annaga la noo diyaariyey. Illayn magaalada maannaan wada arage, waa magaalo muuqeedu aad kuu soo jiidanayo, oo dhisme aad ahi ka socdo. Gaar ahaan waxa ay idhahaygu qabanayeen dhismayaal casri ah oo weliba dabaqyo ah.

Jid laami ah oo si fiican u dhisan ayaan cagta saarnay, waxanan sii daawannay inta u dhaxaysa JigJiga iyo Aw Barre oo runtii aan ku arkaynay beero, xoolo iyo dhismayaal teel teel ah iyo daabiyado.

Tuulinka aan maraynay waxa ka muuqday schoollo iyo cusbataallo, waxana la ii sheegay in dawladda Itoobiya ee xiiligii Zanawe iyo tan immiga jirtaaba ay ku dadaashay sidii ay shacabka uga haqabtiri lahayd dhinaca adeegga bulshada, haddii ay noqon lahayd laydhka, biyaha, caafimaadka iyo schoollada. Sidaasi daraaddeed, ayaa tuula walba looga dhisay school, dhakhtar iyo goobo biya laga dhaansado.

Immiga waxa aan ku soo baxnay Aw Barre oo daaraha iyo dhismayaashu ay ku baaheen dhul aad u ballaadhan oo kala fog fog, oo aad arkayso in magaaladii ay buuraha ka sii dhacayso. Markii aan gudaha u gallayna waxa aan aragnay shacab aad u tiro badan oo suuqyada magaalada buux dhaafiyey.

La soco qaybta dambe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles