Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Jaamacadd carabta oo Soomaaliya ka taageeraya siyaasadda iyo midnimada

$
0
0

Arab-League-LOGO-Awdalpress(Qahira) 14 Jan, 2016–Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqay dadaal wadajir ah oo lagu xaqiijinayo midnimada Soomaaliya.

Baarlammaanka ururka oo kulan ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa soo saaray bayaan Soomaaliya looga taageerayo midnimada, dib u heshiisiinta, nabadgalyada, horumarinta iyo arrimo kale.

Bayaanka ayaa waxaa uu ka kooban yahay qodobbo dhowr ah oo ay ku jiraan;

  • In laga hortago wax kasta oo kala qaybinaya Soomaalida.
  • In loo sameeyo dib u heshiisiin.
  • In gacan laga geysto la dagaallanka wax kasta oo keenaya kala qaybin, sida kooxaha argagixisada ah.
  • In la ilaaliyo badda iyo xudduudaha Soomaaliya.
  • In laga hortago wax kasta oo abuuraya xasillooni darro.
  • In la ilaaliyo sharafka iyo madaxbannaanida jamhuuriyadda Soomaaliya.
  • Iyo in aan la aqbalin faragalin lagu sameeyo arrimaha Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay xubin buuxda ka tahay ururka jaamacadda Carabta oo ka kooban 22 dal, tan iyo sannadku markuu ahaa 1974-kii

RBK

The post Jaamacadd carabta oo Soomaaliya ka taageeraya siyaasadda iyo midnimada appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles