Hargeisa (Awdalpress) 20.01.2016 Waxaa maanta ka soo degey garoonka Egal international airport ee Caasimada Somaliland Profisor Abdirahman Xamud Aleel oo ahaa xoghayihii arimaha dibeda ee jabhadii Suldaan Weber ee dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo cafiska u fidiyey.
Profisor Aleel ayaa waxaa garoonka diyaradaha ku soo dhoweeyeen madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mujahid Abdiraxman Aw Ali Farax iyo lataliyaha xidhidhka calamiga ee wasarada arimaha dibeda Abdirahman Ali Ubahle oo ahaa saaxiibkiisa koowaad ee Profisor Aleel ku dhiiri geliyey inuu yimaado dalkiisa hooyo kana faaiidaysto cafiska Madaxweynaha.
Profisor Abdiraxman Aleel ayaa warbixin kooban oo uu qolka VIP ee Madaarka Hargeysa saxaafada ku siiyey ku sheegay inuu ku faraxsanahay imaanshaha dalkiisa hooyo si weyna ugu mahad celiyey Madaxweynaha Somaliland oo ka aqbalay codsigiisii ahaa inuu ka cafiyo mudadii uu fikirka khaldan ku shaqaynayey isagoo sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland u sido Hadiyad uu ku maamusayo oo madaxweynuhu ku mutaystay dulqaadka hogaamineed iyo daacadnimo ee uu dadkiisa iyo dalkiisa ku hogaamiyo sidoo kalena uu fariin iyo salaan uga sido xubnihii ay isku fikirka ahaayeen markii hore balse iminka ka soo wada noqday fikirkii khaldanaa ee ay kaga soo horjeedeen qaranimada dalkooda hooyo ee Somaliland.
Professor Abdiraxman Aleel isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay inuu shacbiga Somaliland ka raali gelinayo wixii khalad naga dhacay aniga iyo asxaabtaydaba laga bilaabo maantana aan ka qayb qaadan doono horumarka dalkayga Somaliland dhinaca siyaasada iyo arimaha bulshadaba kana difaaci doono cid kasta oo cadow ku ah qaranimada Somaliland.
Source:burcoonline.com
The post Xoghayihii Arimaha Dibeda Ee Jabhadii Wabar oo dalka yimid Ka Dib Cafiskii Siilaanyo, sheegayna inuu hadiyad qaali ah u Sido M/waynaha uu ku mutaystay hogaaminta iyo dulqaad appeared first on Awdalpress.com.