Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Baraf ka Da’aya Gobollada Bariga Maraykanka

$
0
0

44470702-7FB9-4B0E-9BF5-F433A7240571_w640_r1_s_cx0_cy10_cw0Magaalada Washington DC iyo gobollada bari ee Maraykanka waxaa ka da’aya baraf dabeylo wata oo la sheegay inuu socon doono ilaa 30 saacadood ee soo socda.

Lix gobol oo ku yaalla dhinaca bari ayaa lagu dhawaaqay xaalad deg-deg ah, waxaana dadka lagu amray inaysan guryaha ka soo bixin.

Barafka ayaa saameynayaa in kabadan 80 malyuun oo Maraykanka ah oo degan gobollada bari.

Ciidamada ilaalada qaranka ayaa heegan la galiyay si ay gacan u siiyaan hay’addaha gurmadka ee dowladdaha hoose.

Magaalada Washington waxaa la joojiyay gaadiidka dadweynaha ee basaska, waxaana caawa sidoo kale joogsanaya tareennada.

Saraakiisha dhinaca cimilada ayaa sheegaya in barafkan da’aya uu koronto la’aan dhigo dad badan.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa joojiyay kumannaankun oo duulimaadyo ah oo ka baxayay ama imanayay garoomada diyaaradaha ee ku yaalla, Washington DC, Baltimore, Philadelphia iyo garoomo kale.

The post Baraf ka Da’aya Gobollada Bariga Maraykanka appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles