Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wadahadaladda Suuriya Oo Lagu Eedeeyey Qaramada Midoobay Inay Bur Burin La Damacsan Yihiin

$
0
0

images
New York (Awdalpress.com) Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Staffan de Mistura, ayaa ku baaqay in la sameeyo dadaal walba oo looga horatagayo in ay burburaan wadahadaladii nabadda ee ugu dambeeyay ee dalka Suuriya.
Wareysi uu siiyay TV-ga (RTS), ee laga leeyahay dalka Swiss, ayaa Mr de Mistura waxa uu ku sheegay haddii ay markan guuldareystaan in dalkaas uusan laheyn rajo badan. Waxa uu hadlayay kaddib markii ergada mucaaradka ay baajiyeen kulan ay la lahaayeen Qaramada Midoobay maalintii labaad, kulankaasi oo looga baaran dagayay qaabka wadahadalada loo qabanayo. Mar sii horreysay, ayaa ergada dowladda Suuriya, waxa ay sheegeen in ay weli sugayaan ajendaha shirka iyo dhammaan liiska xubnaha mucaaradka uga qeybgalaya shirka. Dhanka kale dalka Suuriya xooggaga dowladda ayaa ku sii siqaya magaalada ay gacanta ku hayaan fallaagada ee Xalab.
Awdalpress.com

The post Wadahadaladda Suuriya Oo Lagu Eedeeyey Qaramada Midoobay Inay Bur Burin La Damacsan Yihiin appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images