
Hargeysa(Awdalpress.com)- Madaarka Caasimadda Hargeysa ayaa maanta la ciir-ciira dadweyne iyo mashquul xoog leh kadib markii Diyaaradda JUBA EXPRESS oo sitay Rakaab Ku socda Magaaladda Mugdisho ay si kedis ah uga degtay Madaarka Caasimadda Hargeysa ee somaliland isla markaasna ay ka cudurdaaray inay u gudubto magaaladda Mugdisho . Geesta Kalenna Diyaaradda Turkish Airline oo saaka qorshuhu ahaa inay ka degto garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport ee Magaaladda Mugdisho ayaa fadhiistay Madaarka Jabuuti isla markaasna rakaabkii ay sidday ku rogtay magaaladda Jabuuti., halkaasi oo ay weli ku sugan yihiin rakaabku
Guud ahaan Shirkadaha Diyaaradaha ee Isticmaali jiray Garoonka diyaaraddaha ee Mogdisho ayaa maanta joojiyay duulimaadkii ay ku tagayeen garoonka Mugdisho waxayna arrintani kusoo beegmaysaa xilli ay Diyaarada Daallo ay ku qiiqda Hawada Muqdisho iyadoo dhaawac soo gaadhay diyaarada kadibna si deg deg ah loo fadhiisiyay garoonka Aadan Cadde ee Caasimada Muqdisho, ilaa imika lagama soo saarin war rasmi ah iyadoo wasiirka duulimaada iyo Hawada Somaliya Mr. Jangali oo ka hadlay gubashada diyaarada Daallo Airline iyo hadalkii ka soo yeedhay Taliyaha laanta socdaalka ee Somaliya Mr. Gaafo isaga oo wasiir jaangali oo ku sheegay warka Gaafo in aanu jirin wax iska badelay Duulimaadadii Hargeysa iyo Muqdisho. Rakaabka u socday magaaladda Mugdisho oo wakhtigan ku sugan madaarka ayaa la filayaa in loo daadgureeyo magaaladda mugdisho maalinta berri ah .
Awdalpress.com
The post Duulimaadyaddii Tagi lahaa Magaaladda Mugdisho oo saaka ku kala Degay Hargeysa iyo Jabuuti iyo Shirkaddo Diiday inay Mugdisho Fadhiistaan…. appeared first on Awdalpress.com.




