Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qaybtii 5aad; Sheekadii socdaalkayga Addis, JigJiga, Aw Barre, Borama iyo Hargeysa.

$
0
0

Bal in yar aan dib ugu noqdo socodkii hore iyo dhulkii aan soo maray markii aan ka soo baxay dhinaca JigJiga.

Xasaadin, Haroorays, Gobyar iyo dhulka quruxda badan ee u dhexeeya Jig Jiga iyo Aw Barre weligay maan arag, waanse maqli jiray, maalintii hore ee aan soo marayey dhulkaasi ma roobbanayn, waxana iiga muuqday wacdi amma aan idhaahdee kulayl, intii aan dhexda soo soconnayna waxa aan kolba u joogsanaynay carruurta adhyaha la joogta iyo dadka beeraha ka shaqaynaya amma lugaynaya dariiqa dhinaciisa. Wax badan maannaan tarayn laakiin caagado biyo ah oo aan sidannay ayaan siinaynay dadkaa.

Laakiin wakhtigii dambe ee aan soo marray dhulku aad ayuu u roobbanaa, waxana ku farax gelinayey quruxda dhulka siman ee beeruhu min gees illaa gees is hayaan, waxana dhulkaasi iila muuq egaa waddanka la yidhaa Holland, oo aanad ka garan bankaa u dhexeeya JigJiga iyo Aw Barre.

Dirawalka na waday oo aqoon badan u lahaa dhulka iyo sida loo kala deggen yahay, ayaa si fiican noo kala barayey kolba meesha aan marayno, waxana uu ka soo bilaabay markii aan ka soo baxnay JigJiga, waxanu ku bilaabay, ‘ Immiga Jig Jiga ayaan ka soo baxnay, waxanan dhex soconna dhulkii Yabaree, kaddibna waxa uu noo sheegay in aan soo gallay dhulkii Aden Yooniska’.  In muddo ah markii aan dhulweynaha Aden Yoonis  soo dhex jibaaxnay, ayaan weydiiyey oo Aden Yoonis ma dhul intan le’eg ayuu leeyahay? Hadda maba aqoon ee waan iska weydiinayaa…’Haa’ ayuu iigu jawaabay, oo ‘weliba in aan Sheed dheer ku mariyo ayey ahayd’.

Dhulkaa aan maraynay reeruhu way tuullaayeen, oo meelaha qaar sida ay dadku u deggen yihiin waxad moodaysey magaalooyin, haddana marka aad dasooyinka reer reerka u yaalla aragto ayaad garanaysey in ay beeralay yihiin, sidan waxan ku soo arki jiray dhulka koonfurta Somaliya ee dhoobayda la yidhaa. In muddo ah kadib, waxa uu dirawalkii noo sheegay in aan soo gallay dhulkii Reer Nuurka oo isna baaxad leh, wax aan soo soconnaba waxa aan sheed ka aragnay buurtii Jufaad oo woqooyi-bari nagaga toosan, dhulka aan intaa dhex soconnaana waa ban geeda leh. Dhulkaana waxa aan ku aragnay sidii hore si la mid ah, oo reeruhu waxa ay u yaallaan safaf siman, meel wal oo ishaadu qabatana waxad ku arkaysaa carruur adhi amma lo’ la joogta amma dad socda.

Kaddib, waxan soo gallay dhagaxii illaa aan ka soo gaadhnay magaaladii Aw Barre. Intii aannaan gelin Aw Barre ayaan is yara taagnay, oo macno aan daawasho iyo jimicsi u soo yara degnay, waxanan ku yara dhawaaday Dirawalkii oo aan weydiiyey ka warran Lafa- Ciise? markaasuu iigu jawaabay, dhulka Lafa-Ciise waa bankii aan soo maray oo kale, waxana degaankaa iska leh Jibril Yoonis. Baaxadda dhulka Lafa Ciise ka warran ayaan haddana ku celiyey…..inta uu qoslay ayuu iigu jawaabay, in aan ku soo mariyo ayey ahayd.

An u soo noqdo halkii ay sheekadu innoo maraysey qaybtii saddexaad,  oo ahayd markii aan Borama gaadhay, muuqaalkii hore iyo kulankii reerkana waxba dib ugu noqon maayo, waxase lagama maar maan ii ah in aan is yara dul taago, sida ay wiilashii ila socday u arkeen dadkoodan aanay weligood arag iyo wax yaalka la yaabka ku noqday ee xasuusta ku reebtay.

Wiil ka mid ah labada ila socday ayaa idhi, ‘ Weligay maan arag qof sida Ayeyday ( Mocoydey )  ii jecel, weligayna maan moodayn in aan leehay ehel sidan aadka ah ii jecel amma ii soo dhaweynaya. Haddaan sidan moodayo, waa hore ayaan codsan lahaa in aan imaaddo.’ Wiilka kalena waxa uu ka qiirooday baahida iyo faqriga ay dadku qabaan. Waxanu noo sheegay sida ay u dhib badan tahay, wiil da’dooda ah oo aan waxba haysan, waxba cidna siinayn amma aan shaqaysanayn oo haddana ku dadaalaya in uu wax barto.

Maalin walba waxa ay is raaci jireen wiilal qaraabadooda ah, waxa ay jeclaayeen in ay makhaayadaha wax ka cunaan, dibadda wareegaan, aadna waxa ay uga heleen cuntada makhaayadaha Borama oo runtii aad u macaan. Waxa ay maalin walba soo baran jireen waaya cusub iyo waaya aragnimo hor leh. Sheekooyinka ay la amakaageen waxa ka mid ahaa Tahriibka.

Magaalada Borama aad ayey u dad badan tahay, gaar ahaan waxa aad ugu badan da’ yarta, waxana ay aad u xiiseeyaan waxbarashada, sidaasi daraaddeed, ayaad arkaysaa dadkaa oo gacanta ku sita buug amma kutub. Inta badanna dariiqyada dhinacyadooda waxad ku arkaysaa boodhadhka dugsiyada gaarka loo leeyahay ee luqadaha iyo masaajidda kutubta laga raacdo. Wiil iyo gabadhna waxa aad arkaysaa iyada oo ay ku ordayaan goobahaa waxbarashada.

Anigu waan ogaa in Borama ay tahay goob jinka aqoontu joogo, oo iska dhaaf school aad gashee, joogitaanka Borama ay tahay waxbarasho, laakiin wiilasha waxa mucjiso ku noqotay sida ay da’yarta qaar u barteen Luqadda Ingiriisiga amma cilmiga xisaabta iyo sayniska u barteen, oo ay weliba ugu hadlayaan sidii Maraykanka amma Britishka. Hadda aniga laftaydu taasi waan la yaabay.

Habeenkii marka guriga aan deggennahay ku soo hoyanno, ayaan is warsan jirray, oo sheekaysan jirray, waxanan mar walba dareemayey in culays weyni iga dhacay, oo aan gutay hawl loo baahnaa oo waalidnimo. Waxanan mar walba isku canaananayey oo aan lahaa…..yaarayt, waxa ay ahayd in aad mar hore keento. Laakiin haddana da’ ahaan ( da’doodu waa 18 iyo 19 jir ) waxa ay ku jiraan wakhtigii  ugu habboonaa ee ay nolosha fahamkeeda amma qiimaynteeda ay garan kari lahaayeen.

Waalidna ma necba ilmihiisa, duruufaha nolosha iyo dhulka lagu kala nool yahayna waa kala geddisan yihiin. Sidaasi daraaddeed, waxa laga yaabaa in farqi jiro, in ilmaha wax u qarsooni jiraan iyo in waalidka looga baahan yahay xil gudasho mug leh oo waalidnimo. Maaha in Hooyada iyo Aabbuhu ku murmaan amma isku riix riixaan dhalliisha ay ka dareemayaan ilmahooda. Maaha in xilka waalidnimo laga doorbido ta wax korodhsi iyo lacag jacayl. Maaha in Hooyada amma aabbuhu ubadkiisa kala lexe jecloodo sidii uu dhulkoodii hooyo u geyn lahaa wakhtigii ku habboon.

An u soo noqdee, marka aan u daadagno nolosha magaalada Borama waa sida aan sheegaye, waa magaalo waxbarasho, waana magaalo ka wada nolol jaban magaalooyinka Somaliland. Nidaamka lagaga nool yahayna waa mid iskii uun isaga hagaasan oo ay dadku ku ammaanan yihiin, balse aan lagu ammaani karin cid kale.

Shaqo aan ganacsi ahayn, oo loo kallahaa ma jirto magaalada, haddana waxa aad arkaysaa suuqyada oo cammiran, isla markaana saxmad ah.

La soco qaybta dambe.

Ahmedweli Goth

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles