Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Tacsi gaar ah loogu dirayo Xildhibaan Rashid M Ismail, Abdi Barkhad Ismail iyo Daahir Barkhad Ismail oo uu dirayo Xaaji Mohamed Xaaji Obsiye.

$
0
0

TACSIIInnaa lillaahi wa innaa Ilayhi raajucuun

Nooleba waa dhinte, geeriduna waa jid la wada marayo.
Saakana/shalay oo bisha February tahay 4/2016 waxaan ku waabariistay geeridii xaqa aheyd ee Xaaji Maxamad Ismaaciil “Hoosujeed”.
Sidaa darteed; anigoo ku hadlaya afka dhammaan gurbajooga waxan halkan taci uga dirayaa marka hore dhammaan qoyskii marxuumku ka baxay.
Marka labaad waxan halkan si gaar gaar ah tacsi ugu kala  dirayaa  Xildhibaan Rashiid Xaaji Maxamd smaaciil – Golaha Wakiilada ee Somaliland uguna weyn tafiirta uu marxuumku ifka kaga tagay.
Waxan iyagana si gaar ah tacsi u gaadhsiinayaa  Cabdi Barkhad Ismaaciil, xaaskiisa iyo carruurtiisa iyo Dahir Barkhad Ismaaciil, oo dhammaan kala jooga dalalka Canada iyo Kuwait.
Waxa kale oo aan si gaar ah  halkan tacsi uga dirayaa dhammaan bulshada beelaha reer nuur weyne ee marxuumku ka soo jeeday maantana u hoyday hoygii rasmiga ahaa oo naf oo dhammi ku dambayn doonto.
Waxan ugu dambayntii si guud uga tacsiyeynayaa geeridaa xaqa ah ee maanta qaaday Xaaji Maxamad Ismaaciil Waabari dhammaan  asxaabtii ku taqaanay marxuumka magac iyo milgaba; waxanan ku soo ururinayaa “Ilaahay  waxan marxuumka uga baryayaa dambi dhaaf iyo inuu ka waraabiyo jannatulfirdowsa isla markaana sabar iyi Iimaan  inaga siiyo dhammaanteenba.
Aamiin! Aamiin! Aamiin!.
INAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJUCUUN.
 
Xaaji Maxamad Cabdullaahi Xaaji Obsiiyeh
Boden – Sweden

The post Tacsi gaar ah loogu dirayo Xildhibaan Rashid M Ismail, Abdi Barkhad Ismail iyo Daahir Barkhad Ismail oo uu dirayo Xaaji Mohamed Xaaji Obsiye. appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images