
Hargeysa, (Awdalpress.com)-Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Yuusuf Axmed (Cali Gurey) waxaa uu ka hadlay warqad ay dawladda Somaliya sheegtey in uu u soo qorey wasiir Cali Waran Cade.
Waxaana uu sheegay Cali Gurey In Cali Waran Cade oo ay ka suurtowdo in uu qorey warqaddaasi isla markaana isagu Cali Gurey ahaan uu aaminsan yahay in uu Gen.Gaafow uu run sheegayo Warancadana uu warqaddaasi qorey waxana uu yidhi . “Cali Waran Cade sababta uu u dhimanaayo ee ilaa Xamar uu warqadaha ugu qoraayo waa hunguri , Gaafow baa run sheegaya waayo waxan aqannaa Cali Waran Cade, waxaas iyo wax ka xumina waa qof ay ka suuroobaan waad arkeyseen markii uu ka jawaabayey hadalkii Gaafow wixii uu warbaahinta ka hor lahaa, anigu halkan ka odhan kari maayo oo waxaas ba umad masuul u ah oo waliba wasaaradii ugu miisanka weyneyd masuul ka ah yaa odhan karaya “ ayuu yidhi. Sidoo Kale Cali Gurey oo hadalkiisii sii wata ayaa waxaa uu sheegay in Wasiir Waran Cade uu umaddii oo dhan inagu diray isla markaana ay jeebkiisa ku dhacdaa lacago aan loo sharciyeen waxaana uu yidhi . “Cali Warancade waxaa uu ku fanaa Somaliya ayaan necebahay baastada ayaan necebahay ilmo yar oo toban jir ah baa ka caqli badan Cali Waran Cade umaddii oo dhan buu inagu diray , waxba ma taro waana leynagu soo habaarey , passporka ayey lacagi u saaran tahay oramada la diwaan galinayo ayuu lacag ka qataa looma sharciyeen, markaas waxan uu guranaayo ha gurtee wuxuu kaga darey dadkan uu caayaayo “Cali Guray Ugu danbeyntii Waxa uu madaxweyne Siilanyo ugu baaqay in uu xilka ka qaado Wasiir Waran Cade isla markaana aanu u qalmin xilka uu qaranka u hayo oo uu ku dhex haftey waxana uu yidhi. “anigu Cali Gurey ahaan waxaan leeyahay madaxweyne qofkan xilka ka qaad ceeb ayey ku tahay adiga iyo umaddan Somalilandba in aad wasaarada arimaha gudaha Cali Waran Cade wasiir ka ahaado hadii kale gidaaradii uu cad cadeen jiray u dhiib “ ayuu yidhi Muj. Cali Gurey.
Awdalpress.com
The post Cali Guray: Cali Warancade waxa uu ku fanaa Somaliya ayaan necebahay, baastada ayaan necebahay ilmo yar oo toban jir ah ayaa ka caqli badan Cali Waran Cade appeared first on Awdalpress.com.





