Awdalpress(Sydney) 19 May 13–Dowlada Australia ayaa shaacisay inay ka qeyb qaadaneyso hormarka iyo caawinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee dagaalada iyo abaaraha Saameynta ku yeeshay.
Dowlada Austaralia ayaa Golaha amaanka ee Qaramada u sheegtay inay u istaageyso sidii Soomaaliya ay dib ugu hanan lahayd heykalkeedii dowladnimo iyo nidaamkii iyo kala danbeytii dalka ka jiray.
Wargeyska The Australian ee ka soo baxa dalkaasi ayaa qoray in xukuumada Australia ay u bisishahay ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka Soomaaliya,waxaana sidoo kale wargesyka uu qoray in mar dhow mashruucyo dowladoodu ka fulineyso qeyb ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya oo Muqdisho ay ugu horeyso.
“Ifafaalaha nabadeed ee ka jira Soomaaliya waxay inugu dhiirigilineysaa haqabtirka baahida bulshada Soomaaliyeed ay u qabaan Nabad iyo hormar iyo inaan dalka dib kaga howlgalno”ayaa lagu yiri warbixinta.
Waxaa sidoo kale lagu tilmaamay warbixinta in Soomaaliya oo mudo 22-sano ku soo jirtay dagaalo iyo qalalaase hada ay u socoto wadadii horumarka lagu gaari lahaa, iyadoo ay muuqato in hay’ado caalami ah si wanaagsan uga howlgalayaan Soomaaliya si bulshada Soomaaliyeed ay u caawiyaan.
Dowlada Australia ayaa balan qaaday in Soomaaliya la garab taagan tahay hiil iyo hoo, islamarkaana la qeybsaneyso horumarka dalka ka socda, waxayna dowlada Austaralia si gaar ah u amaantay hogaankaa ka jira dalka ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.
Maalgelinta dalka ayay si weyn uga hadleen Mas’uuliyiin dalka Australia inay gacan adag ka geysan doonaan,iyagoo hoosta ka xariiqay inay guddi indhadheyn ku sameeya arimhaasi u soo diri doonaan Soomaaliya.
Hayeeshee, dowlada Australia ayaan dhawaqeedani ahayn kii ugu horeeyay ee ay ku iclaamiso inay ka qeyb qaadaneyso dib u dhiska Soomaaliya.