
Finland (Awdalpress.com)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani ku dhaliilay inay diiwaangalintii dalka ka bilaabmatay uga faa’idaysteen kaanbayn, Isla markaana isticmaaleen hantidii umadda.
Gudoomiyuhu wuxuu hadal ka sheegay mar uu shalay dalka dib ugu soo laabtay , isagoo sheegay in labadda gudoomiye aad moodo inay madaxtinimadu ugu horayso, isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “inkasta ood moodid in diwaangalintii labada xisbi ay ka dhigen olole siyaasadeed waa labada xisbi ee dawladu ka koobnayd iyagoo hantidii umada isticmaalaya iyagoo ku tartamaya anaa ka Baabur badan iyo anaa kaa Baabur badan inay wixiiba ka dhigeen fawda iyo olole aan wakhtigiisa la gaadhin wasiiradii baa socda, xildhibaandii baa socda ,xisbiyadii baa socda waxasi wax aduunka ka shaqeeya maaha ninka wakiilka ahi haduu ololaynayo waa inuu wakiil nimada ka tagaa weeyi Wasiirku maaha inuu u ololeeyo nin musharaxa ” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe . Sidoo kale, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid ayaa cambareeyay xadhigii ganacsade Cumar Caydiid waxaanuu yidhi,”Arinta Tiyaatarka waxa la yidhaa muxuu Faysal uga hadli la’yahay dad badan baa lahaa, dee Ucid waa xisbi, Gudoomiye xigeenkii baa ka hadlay, Xisbigu wuu hadlay aniga hadal iigama furnayn, siyaasadii xisbigana waxa ku hadlay ragii iga wakiilka ahaa, in wax kasta la qabiileeyo maaha, waxa qalada in qof muwaadina oo aan dambi gacanta kula yirin in layska xidho.” Gudomiyaha Xisbiga Ucid ayaa ka hadlay qabyaalada waxaanuu yidhi; “Waxaynu kala sheeganayna khayraadkii, magaalooyinkii baynu kala sheeganaynaa, biyihii baynu kala sheeganaynaa, dad aan is aaminsanaynini qaran ma dhisi karaan. Markaa idinku is aamini waydaan reer sheekh Isaxaaq, dadka kale maxaa u malaynaysaan ee beelaha kale, Aniga waxay ila tahay in talo laysugu yimaado, sidan umaddaynu been u sheegaynaa, inagam dhab aha in aynu qaran doonayno. Waxaynu u samaynay axsaabta in qabiil lagaga tago, qwabiilkii hadda xoog buu yeeshay, waxa beryahan aad u badatay, kelmadda Garxajis, Garxajis la yidhaa, anigu waxaan ka soo jeedaa beeshaa, 15 sano ayaan ahaa gudoomiye xisbi kelmadaasi may jirin ,waxaan garan la’ahay Garxajisnimadu ma Waddani bay la dhalatay, markii aanuu Waddani jirin miyaanuu Garxajis jirin, waxan leeyahay hala kala saaro Waddani iyo Garxajis. Xisbi siyaasiya weeye, Xisbi qaran weeye, wax kasta in la Garxajiseeyo iyo wax kasta in la qabiileeyo looma baahna.” Dhinaca kale, Faysal wuxuu sheegay in xukuumaddu aad uga hawl-gasho abaarta baahsan ee saamaysay dad iyo duunyo, waxaanuu yidhi,“Waxa maanta dalkeenna ka taagan abaar xun, abaarta waxay ahayd inay qaylo-dhaan ka diraan, laakiin may ahayn maanta inagoo abaari ina hayso, oo dawladu aad iyo aad uga hadal iyadoo ah abaar baahsan oo Itoobiyanna haysa siiba dhulka Soomaalidu degto, imikana waxaan leeyay abaarta ha loo gurmado.
Haashi Mahamuud Ahmed
Awdalpress.com
Finland
The post Garxajisnimadu Ma Waddani Bay La Dhalatay, Waxaan Leeyahay Hala Kala Saaro Waddani iyo Garxajis appeared first on Awdalpress.com.






