Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Daawo sawiro:Ra iisal Wasaaraha Soomaaliya Qaabilay Wefti Ka Socda Dalka Ingiriiska

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Ciidamadda ee Ingiriiska Penny Mordaunt, Safiirka u fadhida Soomaaliya Danjire Harriet Mathews, waxana ay ka wada hadleen horumarka ay gaartay Soomaaliya iyo doorka muhiimka ah ee dawladda UK ku leedahay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan dhismaha Ciidamadda .

Kulanka Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid iyo Wasiirka Ciidamadda ee Boqortooyada Ingiriiska Penny Mordaunt, ayaa waxaa diiradda lagu saaray sida ay dawladda Soomaaliyeed uga go’an tahay in mar walba ay ka faaiideysato taageerada ay la garab taagan tahay boqortooyada Ingriisku. Waxaana uu Ra’iisal Wasaaruhu tilmaamay in loo baahan yahay marka la tababaro Ciidamadda in loo helo qalab dhamaystiran oo ay ku howlgalaan.

“Waxaan isla soo qaadnay sidii Boqotooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya xiriirka ka dhaxeeya loo adkayn lahaa loona xoojin lahaa taageera dhanka Amniga,hormarinta siyaasada dawladda, iyo Dhagaalaha. Soomaaliya waxay gashay weji cusub oo horumarineed, caalamkuna waa inuu sidaas u ogaadaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo uga mahadceliyay Mordaunt booqashada ay ku timid dalka Soomaaliya.
Sharmaake-iyo-Penny-Mordaunt-1-500x333

Sharmaake-iyo-Penny-Mordaunt-2-768x512

Sharmaake-iyo-Penny-Mordaunt-3-500x333

Sharmaake-iyo-Penny-Mordaunt-4-500x333
Awdalpress.com

The post Daawo sawiro:Ra iisal Wasaaraha Soomaaliya Qaabilay Wefti Ka Socda Dalka Ingiriiska appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images