Dhalliili way jirtaa mar walbana way jiraysaa, waxase dad badani is weydiinayaa in wakhtigani uu dawladda Ahmed Siilaanyo ka yaraaday amma diciifayba mucaaridkii Somaliland, waxana xilligan loo kala badinayaa sidii dawladnimada Somaliland loogu kala dhawaan lahaa.
Sida aan ka warqabno, waxa soo badanaya mucaaridka iyo waxgaradka dibad meerka ahaa ee soo xerooday amma soo xeroonaya, waxa isku soo dhawaaday is fahamka shacabka amma aan idhaahdee beelaha. Sidoo kale waxa meesha ka sii baxaya colaaddii beelaha qaar isku dilayeen wax aan sagaaro ka beersan. Fikirkii ahaa in Somaliland ay tahay dal shaqayna ayaa soo badanaya.
Iyada oo ay taasi jirto, ayaa dhinaca kale laga dareemayaa dhalliilo iyaguna culayskooda leh. Fartuna waxa ay ku fiiqan tahay wasiirrada wax magaratada ah, ee aqoontooduna hoosayso, shaqada ay qabtaanna ay tahay qabyaalad ay gujufyada ka raadiyaan iyo faan ay ku faanayaan in ay beeshooda ceelka ugu jiraan.
Sidoo kale waxa qaldan amma shakiba ku jiraa maamul toosinta iyo saami qaybsiga dawladnimo, waxanad mooddaa in shaqaalaha loo qorto hab beelaysan, in musuq maasuqii loo maara la’ yahay iyo in rifihii lagu dhici la’ yahay in dadka laga qabto.
Isku soo wada geeyoo, haddana dalkii waa socdaa, xawli aan la aragna waa uu ku socdaa. In ducaysane madax ka yahay oo Ilhaahayna garab galay ayey u eg tahay. Laakiin waxa laga sugayaa in uu haddana hoos wax u fiiriyo, oo aanu ka hadhin raadinta caddaaladda.
Haddii aan u soo noqonno su’aasha aan mawduuca uga dhignay qormadani, ayey is weydiintu tahay, in laga gudbay wakhtigii cayda iyo aflagaadada madax lagu noqon jiray, waxase kuraasta dawladda Ahmed Siilaanyo ku badan kuwii caytami jiray, ee aan afkooda waxba kala xishoon jirin, markii ay gaadheen dantii ay lahaayeenna, waxa ay isku beddeleen in ay wacdi wanaagsan dadka faraan madaxweynihii ay caayi jireenna ku tilmaamaan awliyo Ilaahay dalka u soo diray.
Haddaba, ma kula tahay in Madaxweyne Siilaanyo saddexdii sano ee uu talada hayey ku mashquulsanaa sidii uu mucaaridka iyo afmiinshaarrada isaga hor xaadhi lahaa. Waayo, Bani aadamka waxa caado u ah in marka qof guri cusub soo galo uu ugu horreyntaba iska nadiifiyo oo qashinka iyo alaabada kala guro.
Laakiin akhristow haddii ay sidaa tahay, dhinaca kale ma la odhan karaa Ahmed Siilaanyo gurigiisa dawladnimo ha nadiifiyee, waxa uu illoobay in uu qashinka guddaafadda ku soo rido, halka uu ku sharraxday golihiisa wasiirrada ee dalka u taliya.
Awdalpress.com




