Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Miyay Miyir Beel Asqoobeen Maroora Dilaac Ma Quusteen..?..? By Mahammed Abdirahman Sharif

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland waxa uu qaaday taallaabooyin fiican markuu ciidanka qaranka u dhisay niyadda kuna taxay darajooyin wax ku ool ah oo ay muddo ka sugayeen madaxda qaranka Somaliland ,waana tallaabo fiican oo hore loo qaaday maanta, waanan ku hambalyaynayaa maxaa yeelay madaxweynahaagu markuu sameeyo wax fiican waa in lagu hambalyeeyo,  hadduu qaldamana waa in la toosiyo oo wax loogu sheego si xigmadaysan qof kasta oo aduunkan aan joogno sameeya wax fiicana waxaan qabaa in loogu hambalyeeyo dawlad ahaan iyo shicib ahaan ba.

Muddo dheer kadib halganka noocyada badan oo loogu jiro midnimada qaranka Somaliland waxaa looga  gudbay caqabado waaweyn oo kaga yimiday kooxo nabadiid ah oo doonaaya inay fashiliyaan habsami u socodka qaranka curdin ah,  waana sababta markasta looga daba yuuso ayadoo cadowga Somaliland adeegsanaayo nooc kasta oo ka mid ah falalka lagu wax yeelaynaayo waddanka gudahiisa iyo dibaddiisaba, cadowga Somaliland ayaa u badan dad aan u dhalan Somaliland oo markasta meel sare u joogada mucaaridnimada Somaliland kuwaasi oo u dhashay wadamada jaarka la ah Somaliland markastana ku celceliya ereyga ah Somaliland kama go’i karto Somalia ,Hadaba dadkan aan u dhalan Somaliland oo ah dad kasoo jeeda NFD Djibouti iyo kililka 5aad ayaa markasta ku taama inay fashiliyaan qarankan isku xilqaamay inay saxaan qaladaadkii la galay 1960 .

Nin la sugayoow adna yaad sugi…? maxaa la gudboon shacabka xalaasha ah ee u dhashay waddankan xorta ee aan maanta joogno,  kaasi oo aan ku haysano xoriyad taam ah,  kuna naalloonayno nabadgalyo taam ah oo aanay jirin cid inagu dhex gumaysata sida ka socota konfurta Somalia.  Waxaad arkaysaa African dirxiga cuna ayaa ka soo buuxsamay oo kufsada hooyooyinka caruurta iyo xaasaska leh,  kuwii u dhashay ee Somaliyeedna madaxay u qabtaan dumarkooda marka la kufsanaayo ee  ajaanibta ah ee kufsanaaya dumarkooda,  sida dhawaan ka dhacay hooyo Somaliyeed oo lagu kufsaday Xamar ayadoo ciidanka AMMISOM kuyuu ka mareen.

Haddaba,  SOMALILAND maanta waxaasi oo hagardaamo ah ee ka dhacaysa waddankii aan kala soo noqonnay madaxbannaanideena waan ka badqabnaa xorbaan nahay. Waxa adduunka ugu qaalisanina waa xornimadda iyo ikhtiyaarka aad waddankaaga ugu noolaan karto, waana mid aan maanta haysanno. Waanan hagaajin karnaa haddii aanay jirin mashaakilaad dhexdeena ah iyo isfahamwaa siyaasadeed.  Qaabka wax loo wado ee ah sida aad doonayso, sida aan doonaayo,  sida la donaayo iyo sida aan wada doonayno.  Waanan ka midaysannahay,  laakiin waxaa innaga qaldan is-fahamka dhexdeena waanan saxaynaa insha’allaah .

Waxaa lala damacsanyahay Somaliland waan isla wadagaranaynaa oo waa in aan fashilanno,  oo aan islayno oo aan gumowno,  oo aan is cunno,  oo aan is xag-xaganno,  oo dagaallo sokeeye ka dhacaan Somaliland,  oo la yidhaa caano boodhe iyo bustayaal la soo gaadha,  oo UNHCR innaga faro qabsato. Xaalka nololeedna ku dambeeyo,  cunto kolba wax yar lagaaga soo tuuro calamka. Ilaahay innaguma keeno ciqaab iyo fool xumo aan ka soo gudubnay, taasi oo ay innagasoo gudbiyeen ilaahay iyo hogaamiye dhaqameedkeena xalaasha ah iyo siyaasiyiin daacad u ahaa shacabkan, dhaqankeena suuban iyo isku tanaasul ayaa keentay in aan kaga soo gudubno , waan ka hortagaynaa cudurka ka hor daawayntiisa, daawayntiisana waxaa ka horaysa oo ka fiican in laga hortago,  inta aanu jidhka soo gelin markaa waa in aan meelo fog-fog kaga hortagno cadowga Somaliland inta aanu inna soo dhexgalinba,  waana inay ku fashilmaan cadowgeenu hamigooda iyo ruyadooda qudha oo ah inay ka hortagaan inta aanay Somaliland cagaheeda isku taagin waana in aan adeegsanaa siyaasado ku qotoma wada tashi iyo maamaul suuban.

Viva Somaliland

Mahammed Abdirahman Sharif


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images