Awdalpress(Mali) 13 Aug, 13–Wararka laga helayo dalka Mali ayaa sheegaya in Raisul wasaarihii hore ee dalka Mali Ibraahim Boubacar Keita uu ku guulaystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Mali ee galbeedka qaaradani Afrika.
Guusha doorashadaasi ayaa la shaaciyay kadib markii uu ninka ay sida wayn ugu loolamayeen doorashada madaxtinimada dalka Maali qirtay in wareegii labaad ee doorashadaasi loogaga adkaaday.
Wasiirkii hore ee maaliyada dalka Malli Soumaila Cisse ayaa oo isagu ah ninka qirtay in doorashadaasi loogaga guulaystay, isla markaana sheegay inuu u hambalyaynaayo Mr Keita guushii uu ka gaaray doorashadaasi isagoo u rajeeyay nasiib wacan sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.
Ma jirto natiijo rasmi ah oo wali la shaaciyay kadib wareegii labaad ee doorashadii axadii ka dhacday dalka Mali in kastoo haatan la sheegayo inuu Mr Keita guulaystay.
Mr Keita oo ku jira haatan da,diisii 68 aad ayaa Raisul wasaare ka soo ahaa dalka Mali intii u dhaxaysay sanadkii 1994 kii ilaa iyo 2000.
Doorashada dalka Mali ayaa imaanaysa xili dalka Mali uu soo maray sanadihii ugu danbeeyay marxalado kala duwan iyo dhibaatooyin ay ku jireen afganbi Militeri iyo faro galin dagaal oo ay ku samaysay wadankaasi dowladda Faransiiska kaas oo ay kula dagaalamaysay dagaal yahankii Islaamiga ahaa ee ku xooganaa waqooyiga dalkasi.





