Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Warbixin laga soo saaray diyaaraddii Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho ku burburtay

$
0
0

Diyaarad-qarAwdalpress(Muqdisho) 13 Aug, 13–Guddi ka kooban 7 xubin oo dowladda Soomaaliya, Amisom iyo shirkadda maamusha garoonka Aadan Cabdulle ee SKA ay u xilsaareen baaritaan ku saabsan diyaarad 9-kii bishan ku burburtay garoonka Aadan Cabdulle ayaa sheegay in shilku uu ahaa mid dabiici ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay soo gudbiyeen guddiga ayaa lagu caddeeyay in diyaaradda nuuceeda uu ahaa Antanov An-12, sumaddeeduna aheyd 1513 ay ka mid ahayd diyaaradaha militariga Itoobiya (Ethiopia Air force).

War-bixintan oo hordhac ah ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo isku dayday inay caga dhigato ay ka baxday waddadii taasoo sababtay inuu ka kaco dab sababay burburka diyaaradda.

Afar qof ayaa ku dhintay, laba qof oo kalena waa la badbaadiyay kaddib markii ay burburtay diyaaradda, xilligaas ayaana la magacaabay guddigan si ay usoo bandhigaan xog rasmi ah oo ku saabsan sababta keentay burburka diyaaradda.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images