Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qaybtii 6aad: Sheekadii socdaalkayga Addis, JigJiga, Aw Barre, Borama iyo Hargeysa.

$
0
0

socdaalkii Somaliya iyo Ahmedweli 046socdaalkii Somaliya iyo Ahmedweli 059Weli waxan ku jirraa usbuucii hore, waxanan maalin kasta aadnaa suuqyada magaalada iyo  Hotelka Rays oo si gaar ah noo soo jiitay, waxana  soo jiidashadaasi ka tilmaami karnaa,  fadhigiisa fiican, cunnadiisa nadiifta ah, haasaawaha oo aad u aawan iyo adeeggiisa hufan. Mulkiilaha Hotelkan Rays oo ah nin maal qabeen ah oo degaanka u dhashay ayaa la ii sheegay in uu juhdi badan ku bixiyey immigana uu wado in uu sii ballaadhiyo.

Laakiin Hotelka waxa ku badan bisaaska oo marka aad wax cunayso aad arkayso in ay miiska dushiisaba ku soo boodayaan, gaar ahaan marka aad kalluunka cunayso. Taasi waxa aad uga cadhooda qurba joogga aan u baran in ay arkaan  bisado noocan u dhaqmaya, oo ay edebtu ka xun tahay. Mar aan arrintaa wax ka weydiiyey shaqaalaha cunnada noo keenayey, waxa ay ii sheegeen in usbuuc walba ay 40 tameeye ka mid ah bisaaskaasi ay u masaafuriyaan dhinacaa iyo Goro-Cawl, balse ay haddana isla maalintaaba iskeenaan. Mid ka mid ah shaqaalaha ayaa isna ii sheegay, ‘ in aanay doonayn in ay gubaan amma laayaan bisadahaasi, waayo buu yidhi waa nafley. Waxa kale oo aan ka waayey Hotelkaasi gabdho ka shaqaynaya oo cuntada dadka u dhig dhigaya, balse waan arkay dumar dhinaca nadaafadda ka shaqeeya.

Dhaqankan dumarka u diidaya shaqada Hotelladu may jirin waayadii hore, ee rag iyo dumarba Hotellada noocan oo kale way ka wada shaqayn jireen. Balse waxa la ii sheegay in dumarku ay immiga ka shaqeeyaan uun  nadaafadda iyo Jikada u badan yihiin, haddii ay shaqaba ka helaan. Hase yeeshee, waxa aan suuqyada Jig Jiga, Aw Barre iyo Boramaba ku arkay dumar suuqyada iyo makhsinno ka samaysan jiingadaba ku iibinayaan Jaadka, oo ay is dhinac fadhiyaan rag u badan wiilal da’yar ah. Markaa waxa isku kay qaban waayey, shaqada ay dumarkani suuqa wada fadhiyaan ragga, ee aanay kala xadaysnayn iyo waxa kala xadeeyey shaqada Hotellada sida rays oo kale. Hadda meelaha shaaha lagu cabbo ee Borama dhexdeeda waxaba u badan dumar oo iibiya.

Ayaamahan hore waxa aan la yaabbanayn dadka iyo dalka, annaga laftayaduna waxa aan u egeyn dad Strange ah oo dadku si aan caadi ahayn ayey noo soo eegayeen, koofiyado iyo muraayado  mad madaw ayaan qorraxda daran ka xidhnayn, sida aan u dhaqmaynaana way ka geddisnayd sida ay dadku noola dhaqmayaan, waxan markaa dareemayey in aniga laftayda uu isbeddel igu dhacay oo aan u baahanahay in aan dadkaygii dib ula qabsado, bal iskaba daa labada wiil ee iyagu Yurub ku dhashay, ee aan af-Somaligana si fiican u garanayn.

Qubrahan Yurub ee aan ka nimid, haddii la arko qof ul sita, waxa markaaba aad garanaysaa in qofkaasi uu usha u qaatay xanuun, sida dhabar xanuun, lugo xanuun amma socodka oo aanu karayn. Laakiin magaalada Borama amma JigJigaba dadku ulo ayey siteen, xarrago ama hub ahaan ayaana loo sitaa sida dhaqankeennu yahay. Dadka baadiyaha ka yimaaddaana waxaba ay sitaan budad, hangool iyo middiyo misigta lagu xidho.

Aniga dhaqanka noocan ahi waa ila caadi, laakiin wiilasha ila socda, ayaa kolba i warsanayey oo i weydiinayey sababta ay dadku ulaha u sitaan amma middiyaha  u sitaan. Anna sidaa aan kor ku soo sheegay ayaan ugu sheegayey, oo waxan lahaa xarrago iyo difaacba waa loo sitaa. Ta kale dhulka oo jarar iyo dhagax miidhan ah ayaaba usha in loo qaata ah, haddii kale waxaba dhici karta in aad dariiqyada jararka ah ku kufto. Eyda oo magaalada ku badan ayaad iyana habeenkii isaga waabin kartaa.

Calaa kulli xaal, magaalada Borama waa meel hawo fiican, oo raashin iyo caano nadiif ah laga helo. Dadka ku noolina waxa ka muuqda xaddaarad amma ilbaxnimo, waxanan la yaabay edebta ay dadku suuqyada u wada marayaan, salaanta iyo ixtiraamka ay labada kulantaa isku muujinayaan.

Intii aan Borama joogay marnaba maan maqlin sheekooyinkii qurbaha nagu wareeriyey ee qabiilka iyo cunufka xambaarsanaa, waxanan maalin walba arkayey odayo wada socda, wada sheekaysana, wada qoslaya, ganacsato wada shaqaysanaysa, aqoon yahanno hawlan oo isku qorsha ah. Meelaha lagu qaxweeyo amma Hotel Rays oo kale waxa aan arkayey dadka oo aan kala qoqobnayn, waxba kala qarsanayn, haddii ay war tahay amma kaftan tahayba. Masaajidda ayaan ahayn kuwo dadku ku kala qaybsan yihiin, marka ay gaadho wakhtiga salaaddana qof walba uu gelayo masaajidka u dhaw.

 

Ahmedweli Goth

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images