Shilka Baabuur ee Ka Dhacey Caratuulka oo udhexeeya Magaalada Gabiley iyo Kalabeydh qiyaastiina 8km dhinaca Galbeed ka xiga Magaalada Gabiley ayaa tirada Dhimashadu waxa ay ilaa iyo hada mareysaa 15 ruux kadib markii uu goor dhaweyd geeriyooday mid kamid ah dadkii ku dhaawacmey Shilkaasi.
Shilkan oo ah kii ugu xumaa ee indhawaale ka dhaca nawaaxiga Gabiley gaar ahaana jidka xidhiidhiya Hargeysa-Boorame-Hargeysa-Tog-Wajaale iy Gabiley waxaanay wararka ugu dambeeyay ee kasoo kordhey Shilkan culusi sheegayaan in tirada dadkii ku qudh baxey shilkan oo markii hore ahaa 14 ruux ay hada noqdeen 15 ruux kadib markii uu goor dhawyd geeriyooday Dirawalkii Baabuurka NOHA oo kamid ahaa Dhaaawacii shilkaasi oo markii hore ahaa 9 ruux
Awdalpress.com
The post Warar Dheeraada oo Ka soo Baxay Shilkii Baabur ee ay ku dhinteen 14 Qof Halka ay Dhaawac Ahaayen 9 Qof (Vedio) appeared first on Awdalpress.com.





